Wasiirka Caafimaadka iyo Xeer ilaaliyaha Qaranka oo booqday dhaawacyada isbitaalka Madiina+Sawirro

Wasiirka caafimaadka iyo xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa booqday dadkii ku dhawacmay qaraxii kooxdda argaxisadda UGUS ay ka gaysteen  Hoteelka Aljazeera oo la geeyay isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka caafimaadka Xawo Xasan Max’ed  iyo xeer ilaaliyaha guud ee Qaanka  Dr. Axmed Cali Daahir oo mid mid usoo booqday dhaawacyada isbitaalkaasi lagu daweeynayo ayaa warbixin ku saabsan xaaladda dhaawacyada ka dhageystay agaasimaha isbitaalka madiina oo sheegay in 25 ruux oo dhawac ah la keenay isbitaalka, isagoo xusay in afar ka mid ah uu fududaada dhawacoodda midna uu geeriyooday ,sidoo kalana isbitaalka la soo gaarsiiy maydadka Sideed qofood oo ku geeriyootay qaraxii hotelka Jaziira.

Sidoo kale wasiirka caafimaadka iyo xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka  ayaa booqday hoteelka Aljazeera ee Qaraxaha lala beegsaday iyagoo soo eegay burburka uu geystay qaraxaasi.

Xeer ilaalihay guud ee qaranka Dr Axmed Cali Daahir oo ku hadlay hotelka Aljazeera ayaa ka tacsiyey dadkii ku geeriyooday isagoo xusay in dadka ku dhaawacmay ay dowladdu wax u qabaneyso.

“aad iyo aad ayey  u fiicnayeen dadkii aan booqanay haddii ay jiraan dad ay cuslaato xaladoodda dowladda ay caawinayso dowladda, waxaan u rajaynayaa dadkii ku geeriyooday in Alle u naxariisto kuwa dhawacana ay bogsadaan gacan ka xaqdaran ayaa dishay,waxaa ay tani natusanaysaa cadawadda qotada dheer oo ay dadka Soomaaliyeed u qabaan dhagar qabayaasha” ayuu yiri eel ilaliyaha.

Wasiirka Caafimaadka ayaa hoosta ka xariiqday in wasaaraddu ay wax u aban doono dadka ku dhaawacmay qaraxaasi, iyadoo fal argagixiso ku tilmaantay qaraxii Hotelka Jasiira, waxeyna ugu baaqday ummadda Soomaaliyeed ineey meel uga soo wadajeestaan la dagaallanka kooxda UGUS.

vlcsnap-2015-07-27-19h13m41s3 vlcsnap-2015-07-27-19h13m45s44 vlcsnap-2015-07-27-19h14m21s148 vlcsnap-2015-07-27-19h14m25s194 vlcsnap-2015-07-27-19h14m28s218 vlcsnap-2015-07-27-19h14m31s246 vlcsnap-2015-07-27-19h14m44s127 vlcsnap-2015-07-27-19h14m52s200 vlcsnap-2015-07-27-19h15m05s79 vlcsnap-2015-07-27-19h15m29s66 vlcsnap-2015-07-27-19h15m44s214 vlcsnap-2015-07-27-19h15m47s240 vlcsnap-2015-07-27-19h15m57s88 vlcsnap-2015-07-27-19h16m07s186 vlcsnap-2015-07-27-19h16m25s107 vlcsnap-2015-07-27-19h16m27s129 vlcsnap-2015-07-27-19h16m55s150 vlcsnap-2015-07-27-19h17m32s12 vlcsnap-2015-07-27-19h17m39s82 vlcsnap-2015-07-27-19h17m50s193 vlcsnap-2015-07-27-19h18m06s96

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here