Wasiirka caafimaadka XFS oo ka qeyb gashay shir looga hadlayay xoojinta adeegyada Hooyadda iyo dhalaanka”SAWIRRO”

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda xukuumadda federaalka Soomaaliya Dr. Fowziya Abiikar Nuur ayaa ka qeybgashay Shir Goboleedka EMRO.

Shirka oo ku qabsoomay habka Online-ka ama fogaan aragga loo yaqaano Zoom-ka ayaa waxaa ka qeyb ahaa hay’adaha WHO,UNICEF iyo UNFPA oo ka tirsan EMRO.

Mas’uuliyiinta ka soctay hay’adahaan ayaa ka dooday xoojinta bixinta adeega caafimaadka aasaasiga ah ee Hooyadda iyo Dhallaanka iyo  saameynta uu ku yeeshay xanuunka Covid-19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here