Wasiirka Cadaaladda XFS oo kormeeray Maxkamadda Degmadda Warta Nabadda “Sawirro”

1560

Wasiirka Cadaalada  Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Saldhigga Booliska, Xarunta degmadda Warta Nabadda iyo Xarunta Maxkamadda Degmadaasi, waxaana warbixin uu ka dhageystay Guddoomiyaha degmadda Warta nabadda Zeynab Maxamed Warsame.

Wasiirka Cadaaladda XFS oo warbaahinta Qaranka la hadlay, ayaa sheegay in uu ku dadaalayo siddii nidaamka cadaaladda loo gaarsiin lahaa dhammaan degmooyinka gobolada dalka, isaggoo xusay in la haggaajinayo garsoorka.

Wasaaradda cadaaladda xukuumada  fedraalka ah ee Soomaaliya,  ayaa  wada dadaalo ku aadan siddii loo dhisi  lahaa  Golaha  Adeegga garsoorka dalka.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here