Wasiirka Caddaaladda oo kormeeray xarun lagu dhaqanceliyo dhalinyarada ka timid Shabaab

1104

Wasiirkawasaaradda  Cadaaladda iyo Garsoorka e Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Avv. Xasan Xuseen Xaaji ayaa maanta kormeer ku tagay xarunta Sarindi  ee Muqdisho taasoo  lagu dhaqanceliyo dhallinyarada ka soo goosata malleeshiyaadka Shabaab.

Wasiirka ayaa markii uu gaaray xaruntaasi waxa uu warbixin ku saabsan xaaladda nololeed ee dhallinyaradaasi ka dhageystay saraakiisha maamulka iyo kuwa ammaanka ee xaruntaasi.

Intaasi kaddib wasiirka waxa uu ku soo wareegay dhammaan qeybaha ay ka koobantahay xaruntaasi, isagoo u kuurgalayay xaaladda nololeed, caafimaad, waxbarasho iyo jiifkooda sida uu yahay.

Avv. Xasan Xuseen Xaaji wasiirka Caddaladda iyo Garsoorka Soomaaliya ayaa aad ugu ammaanay mas’uuliyiinta xaruntaasi daryeelka wanaagsan oo ay u fidiyeen dhallinyarada ka timid Shabaab.

Wasiirka ayaa sheegay in wasaaraddu ay gacan buuxda ka geysandoonto dhaqancelinta dhallinyradaasi, isagoo dhinaca kale tilmaamay in wasaaraddu ay wax ka qabandoonto cabashooyin ka soo gaaray dadweynaha oo ku saabsan dhinaca garsoorka.

?
?
?
Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here