Wasiirka Dekadaha iyo Gadiidka Badda “Si loo kordhiyo daqliga dalka, waxaa dib u dhis lagu samaynayaa Dekadaha” Dhageyso

851

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Soomaaliya Maryan Jaamac Aways oo waraysi gaar ah siisay warbaahinta Qaranka ayaa sheegtay in dib u dhis iyo dayactir lagu samaynayo Dekadaha dalka, si uu u kordho daqliga dalka.

 

Wasiirka ayaa sidoo kale faah-faahin ka bixisay Booqasho dalka ay ku joogaan wafdi ka socda dowladda Qadar oo qiimayn ku samaynaya Dekadaha, si ay maal gashi ugu sameeyaan.

Wafdigaan ayaa shalay Booqday dekada magaalada Hobyo, waxaana sidoo kale lagu wadaa inay tagaaan qaar kale oo ka mid ah magaalooyinka dalka.

Halkaan ka dhageyso wareysiga

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here