Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha waxba naguma gaarin Qaraxa Caawa ka dhacay Muqdisho

0
6378

Fiidnimadii Caawa aya qarax ka dhacay Wadada Maka Al-mukarama inta u dhaxaysa Isgosyaka Shaqaalaha iyo Hotel maka Almukaram,Warar aan helany aya sheegay in uu sababay Qaraxaasi Dhaawac fudud oo gaaray Muwaadin Soomaaliyeed oo Goobta ku suganaa.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xasan Nuux ayaa sheegay in aysan jirin waxyeelo ka soo gaaartay Qarax ka dhacay  Banaanka Carwo uu Ka Dukaamaysanayay.

Wasiir Nuux, ayaa hadalkiisa intaa ku daray in ujeedka qaraxu ahaa in lagu qalqalgaliyo hormarka iyo ganacsiga magaalada Muqdisho, waxyaabaha qarxayna markii Ciidamada Boolisku ay baareen la ogaaday in ay ahaayeen Walxo Macmal ah.

“Alxamdulilaah, Waan nabad qabaa aniga iyo Asxaabtii ila socotay, Carwada Banaankeeda ayaan qarax ka maqlanay, majirin wax saameyn ah oo uu nagu yeeshay, marka laga reebo in aan maqalnay qarax shacabka lagu qalqalgalinayo” ayuu yiri Wasiir Nuux.

Ciidanka Amaanka Gaar ahaan kuwa Boliiska ayaa goobt Gaaray iyaga oo Sugaya Amaanka kana feejigna in aysan Koxoda Aragagaxisa aysan Weeraro kale gaysan.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here