Wasiirka Dhalinyarada oo ka warbixiyay shir ka dhacay Masar

1793

Wasiirka wasaarada Dhalinyarada iyo Sportiga ee xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullahi Xasan oo warfidiyeenka kula hadlayey garoonka  diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa  faahfaahiyey shir uu uga so qeyb galey magaalada Qaahira ee dalka Masar kaas oo ay isugu yimaadeen  wasiirada Dhalinyarada wadamada Jamacadda Carabta .

Wasiirka ayaa shegey in shirkasi oo socday labo maalin loogana hadlayey sidii dhalinyarada loogu sameyn lahaa shaqo abuur isla markaana looga bad baadin lahaa  fikirada dhibaateynta ku dhisan ayaa shirkasi si gaar ah diiradda loogu saarey dalkeena Soomaaliya oo kaaso kabanaya dhibatooyii soo maray 20 kii sano ee la soo dhaafay.

“Waxan ka qeybgalney shir labo maalin socday oo lagu qabtay dalka Masar u jeedada shirkasi waxey aheyd sidii dhalinyarada shaqooyin loogu abuuri lahaa iyo loogana duwi lahaa fikirada qaldan shirkaasi waxaan ka soo jeediney khudbad an ku sharaxeyno qorshayaal dowladda uga degsan arintaasi”. waxaa sidaa yiri Wasiirka.

Sidoo kale Duraan Faarax xoghayaha guud ee xiriirka Olompicada Soomaaliyeed oo safarka Masar ku wehliyey wasiirka ayaa asna halkaasi ka sheegay in shirka uu muhiimad weyn u lahaa bahda Sportiga dalka.

Dhalinyadara Soomaaliyeed oo mudadii dalku  burburkii ku jirey aan helin waxbarasho iyo shaqo ay ayaa u qeybsamey kuwo badaha iyo saharaha ku dhamaada iyo kuwo looga faa’ideysto dhibatada kicinta colaadaha ayaa dowlada Soomaaliya waxey wadaa qorshiyaal shaqo abuur loogu sameynaayo dhalinyarada Soomaaliyeed.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here