Wasiirka Dhalinyarada oo sagootiyay 7 arday oo hey’adda Qatar Charity u fududeysay in ay cumreytaan

1552

Todobadan arday oo kamid ah  ardayd a   agoonta ah ee dhigta  Iskuulka  ay  gacanta ku hayso hay’adda  Qatar Charity ee wadanka Qatar  isla markaana kaalimaha  horena  ka galay  imtixanaada  ayaa lagu abaalmariyey  in loo diro magaaladda  Maka  Almukarama  ee dalka Sacuudiga  is  ay  u soo  cumraystaan  waxaana  maanta goroonka diyaaraha  magaalada Muqdisho ku sii sagootiyey  wasiirka  Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha,  Wasiir ku xigeenka wasaradda  arrimaha dibadda  Soomaaliya  iyo safiirka dowladda  Qatar  u jooga soomaaliya .

Wasiirka dhalinyaradda  iyo Sports mudane Maxamed Cabdullah  Xasan Nuux  ayaa   intii aysan  ardaydaasi ka dhoofin   garoonka diyaaraha   u sameeyey kulan  sagootin iyo dhiirigelin isku jiray    isla markaana  uu   hay’adda  Qatar chairty ugu mahadceliyey  fursadda ay siisay ardayda  soomaaliyeed  ee agoonta ah.

Maxamed Xasan Cumar madaxa  hay’adda Qatar Charity ee Soomaaliya  oo kulankaasi ka hadalay ayaa ka warbixiyey  waxay ku mutaysteen ardaydaan  in loo diro  sanadkaana  Cumradda .

“Dhalinyaraddan  agoonta ah  ee Soomaaliyeed oo ay  hay’adda Qatar Charity ka faalo qaado ee noqday  ardayda agoon ah kuwa ugu fiican  xaga aqoonta  waxbarashadda  akhlaaqda firfircoonidda , kuwaasi  oo hay’addu ku amaal marisay in ay u dirto dhulka  allah barakeeyey ee Maka iyo Madiina si ay cumradda u soo gutaan  si ay dhiirigelin ugu noqoto ardayda agoonta ah” ayuu  yir madaxa  hay’adda Qatar Charity.

Wasiirka  Dhalinyaradda iyo Sportiga  xukumadda Federaalka Soomaaliya  mudane Maxamed Cabdullaahi  Xasan Nuux  oo ardaysaan u jeediyey  hadal  dheer oo u badnaa dardaaran  ayaa  ka dalbaday  in ay  u soo ducayaan  dalka  iyo dadka Soomaaliyeed  maadaama a y u socdaan meel la aado  halka ugu kheyrka badan .

“Kolkaa wanaaga aad samayso in aad sii labo jibaarto, anagu waan idinla  garab tagaanahay wixii dhiirigaein ah intii karaankeena ah iyo wixii wanaaga ah ee aad qabataan inaan qayb ka noqono,sababtoo ah qofka wanaag sameeyo asagaa loo baahan yahay in lagu biro,anagana idinka ayaa idin ku biirinaynaa aragtideena  juhdigeena,waxaana arajaynaa in aad sii labo jibaari doontaan , safar wanaagsan  safar salaam  allaah idin nabad  geeyo , adinkoo nabad qabana  soo laabta , wadankaana u soo duceeya,ducadiina allaah waa inoo aqbalaa insha’allah u soo duceya wadankan iyo dhalinyaradiisa in ay ka baxaan   colaadaha iyo saboolnimadda  iyo aqoon yeridda  hadda  jira  in allah naga bixiyo “ayuu sheegay wasiirka dhalinyarada.

Qaar  ka mid  ardaydaasi oo warbaahinta qaranka  la hadalay ayaa ayaa sheegay in ay si aad ah ugu faraxsan yihiin fursadda ay hey’adda Qatar Charity siisay islamaraana waxaa ay u mahadceliyeen hey’addaasi.

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here