Wasiirka Gaashaandhigga ayaa safar shaqo oo saddex casho ah uga soo laabtay Kenya

0
1077

Wasiirka gaashandhigga ee Xukuumadda Soomaaliya oo dalka dib ugu soo laabtay kadib socdaal shaqo oo uu muddo saddex cisho ah ku tegay dalka Kenya, wuxuna faahfaahin ka bixiyay kulamo uu magaalada Nairobi kula soo qaatay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladaha dariska ah iyo kuwa Caalamka.

Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini, Wasiirka Difaaca ee Xukuumadda Soomaaliya waxaa garoonka diyaaradaha caalamiga ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda, saraakiisha ciidamada qalabka. Waxaana uu kulan kula qaatay gudaha Garoonka R/Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo safar shaqo u aadey magaalada Garowe.

Wasiirka ayaa intii uu jooga Kenya  wuxuu kulamo isagu jiray wadatashi iyo arrimo quseeya dib u dhiska Wasaaradda Gaashaandhiga gaar ahaan Ciiamadda Qalabka Sida iyo sidii loo xoojn lahaa nabad galyada dalka Soomaaliya,  kan dowladaha dariska ah iyo sidii iskashi buuxa looga yeelan lahaa Nabad galyada bariga Africa.

IMG_9530 IMG_9540 IMG_9552

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here