Wasiirka gaashaandhigga Madagascur oo ku hanjabay in uu adeegsan doono awood

0
1343

Waxaa circa isku sii shareeraya xiisadaha dhanka siyaasadda ee ka taagan Dalka Madagascur oo dhanca Koonfur Bari ee Qaaradad Afrika, kaasi oo u dhexeeya dhinacyada siyaasadda, xili doorashooyin loo diyaargaroobayo.

Wasiirka Gaashaandhigga dalkaasi ayaa ku hanjabay in uu adeegsan doono awood Militari haddii aan wax laga qaban ismariwaaga siyaasadeed ee dalkaasi hareeyey, inta aan la gaarin xilliga doorashada.

Wasiirka difaaca ayaa ku baaqay in hoggaamiyeyaasha dalku ay soo afjaraan qalalaasaha siyaasadeed, haddii si kale loo dhigana in ay dhinac iska dhigaan kala aragti duwanaanshahooda ayna dhisaan dawlad loo dhan yahay oo qaran.

Maxakamadda Dastuuriga ah ee dalkaasi ayaa cadaadis ku saartay madaxweynaha waddankaasi in uu soo dhiso dowlad loo dhan yahay, si looga gudbo ismari waaga siyaasadeed ee ka taagan Madagascur.

Dhowrkii toddobaad ee lasoo dhaafay waxaa dalkaasi ka dhacayay dibadbaxyo looga soo horjeedo qorshe ay dowladda dalkaasi ku dooneysay in hoggaamiyaha mucaaradka ay uga hor istaagto inuu ka qeybgalo doorashada.

Doorashooyin ayaa lagu wadaa in ay dalkaas ka dhacaan dabayaaqada  sanadkan, balse siyaasiyiin iska soo horjeeda ayaa raba in midba midka kale uu u adeegsado maxkamadaha si uu u wiiqo.

Wadanka Madagascur ayaa waxaa uu ka mid yahay wadamada soo maray Afgembiga oo ay caanka ku tahay qaaradda AFrika, waxaana laga joogaa muddo 10 sano ah markii dalkaasi uu ka dhacay afgembi.

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here