Wasiirka Gaashaandhigga oo tababar u soo xiray askar ka tirsan CXD Soomaaliyeed”Sawirro”

2353

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya General, C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa maanta tababar usoo xiray saraakiil dhameysatay tababar layli sarkaal ah, waxana munaasabadda oo ka dhacday xerada Jazeera ka qeyb galay, Taliyaha Ciidamadda  XDS S/G Daahir Aaden Cilmi (Indha-qarshe) iyo saraakiil kale.

Wasiirka ayaa ka hor inta uusan ka qeyb gelin Munaasabadda Tababarka loogu xireyay ciidamadda Xogga dalka Soomaaliya, waxa uu booqday  taliska qeybta  12-ka Apriil ee Ciidamadda Xogga dalka, waxana halkaas uu kulamo kula qaatay Saraakiisha CXDS, iyadoo kulanka ay ka qeyb galeen Taliyaha Ciidamadda XDS iyo Taliyaha qeybta 12-ka april , General Maxamed Maxamuud Saneey, waxana uu dar-daar isugu jira dhiirgelin iyo dar-dargelin howlaha shaqo ee qaranka u hayaan halkaas uga jeediyay Wasiirku saraakiishii uu kulanka la qaatey.

Dhanka kale Wasiirka ayaa tababar usoo xiray saraakiil dhameysatay tababar layli sarkaal ah kuwaas oo muddo dhowr bilood ah tababar kusoo qaadanayay dalka Uganda, sidoo kalana xerada Jazeera lagu barayay shuruucda iyo dhaqanka laga doonayo askariga Soomaaliyeed.

Taliyaha Xogga dalka Soomaaliya Gen. Daahir Aaden Cilmi, ayaa munaasabadda ka sheegay in ciidamadan lagu soo xulay markii hore shuruudo ay kamid yihiin dabeecad wanaag iyo aqoon, isagoo intaa raaciyay in Soomaaliya ay xiligan ujaheystay sidii ay wadankeeda udhisan laheyd, ciidankana uu yahay kuwii hormuudka u noqon lahaa dib u dhiska Soomaaliya Nabad ah oo xasiloon.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa ciidamada tababarka dhameysatay si aad ah ugula dar daarmay in tababarrada ay qaateen ay dadkooda iyo dalkooda ugu shaqeeyaan, waxaana uu ku boorriyay in howlgallada socda ay qayb lixaad leh ku yeeshaan.

“Tababarka aad dhameysateen waa mid sare, waxaana dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay idin ka sugayaan waxqabad muuqda, Haddii aan rabno in adduunka qiimi kulahaano Qarannimaddii Soomaalyeedna si buuxda u soo celino, waxay ku xiran tahay Ciidanka. Ciidankuna in uu qiimi lahaadana waxay ku xiran tahay in shacabka la dhowro lagana ilaaliyo kuwa cadowga ku ah.Waxaan hubaa in askariga Soomaaliyeed uu ka adkeysi badan yahay kuwa caalamka kana dulqaad badan yahay dhan walba, marka loo fiiriyo duruufaha ciidankeennu ku jiro, haddana iyadoo sidaa  ay tahay ka xorreynaya dalka Al-Shabaab” ayuu yiri Wasiir oo intaas ku daray.

“Dowladda waxay go’aan ku gaartay inay muhiimadda Koowaad siiso ciidanka dhanka mushaar bixinta, lacagta Dowladda soo gasho, waxa ugu horeeyo ee laga bixiyanayo waa Mushaarka Ciidanka”

Ugu dambeyn, ciidamada tababarka loo soo xiray ayaa waxaa darajada min hal xidig u xiray Wasiirka Gaashaandhigga, isagoo uga mahad celiyey saraakiisha Midowga Yurub  ee tababarka bixiyey sida ay mar walba u garab taagan yihiin Ciidamadda Xogga dalka Soomaaliyeed.

IMG_0908 IMG_0912 IMG_0917 IMG_0927 IMG_0953 IMG_0963 IMG_0971 IMG_0988 IMG_1007 IMG_1025 IMG_1057 IMG_1069 IMG_1094 IMG_1105 IMG_1109 IMG_1120 IMG_1131 IMG_1133 IMG_1137 IMG_1140 IMG_1142 IMG_1152 IMG_1202

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here