Wasiirka Gaashaandhigga XFS iyo Dajiraha Mareykanka ee Soomaaliya oo ka wada-hadlay iskaashiga labada dhinac

Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa kulan la qaatay safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Donald Yamamoto.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ka dhaxeeya labada dhinac iyo taageerada Mareynkan ee Soomaaliya si loo cirib tiro argagixisada.

Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya ayaa qiray dadaallada dib u habeynta ciidamada iyo sugida amniga oo wax weyn ay iska beddeleen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here