Wasiirka Ganacsiga oo warbixin siiyay Guddiga dhaqaalaha ee Aqalka Sare

1032

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa warbixn ku aadan horumarka ganacsiga dalka siisay Gudiga dhaqaalaha Maaliyadda, ganacsiga golaha aqalka sare BFS ,

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo Guddiga dhaqaalaha maaliyadda Ganacsiga Golaha Aqalka Sare ayaa muddo saacado ah warbixin iyo su’aalo ku aadan howlaha Wasaaradda Ganacsiga is dhaafsanayay ,

Markuu soo gaba gaboobay kulankooda ayaa Warbaahinta Qaranka ugu horayn waxaa la hadlay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye waxa uu sheegay in Guddiga dhaqaalaha Maaliyadda Ganacsiga Golaha Aqalka Sare ay warbixin ka siiyeen horumarka ay Wasaaradda ku tilaabsatay iyo is dhaafsiga ganacsiga qaar ka mid ah dowladaha dariska iyo kuwo kale.

“Horumar balaaran oo dhinaca Ganacsiga Soomaaliya ayaa jira iyo qorshooyin ay haatan wado Wasaaradda Ganacsiga oo lagu doonayo in dowladaha dariska iyo kuwa kalaba la is dhaafsado ganacsiga, maadaama dhulkeenu hodan yahay”ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Guddoomiyaha Gudiga dhaqaalaha, Maaliyada iyo Ganacsiga golaha aqalka sare BFS Mudane, Cabdi Axmed Dhuxuloow ayaa dhankiisa sheegay in Wasaaradda ay yeeshaan kulan bila ah oo looga hadlayo howlaha Wasaaradda iyo tayada ganacsiga yimaada dalka.

“Waa kulan bila ah oo Wasaaradda warbxin iyo su’aalo isku dhaafsano waxa soo kordhay, iyadoo Wasaaradda samaysay hay’ad kormeerta lana socota tayada badeecadaha dalka yimaada oo aan horay ugu balamay Wasaaradda ganacsiga”ayuu yiri Senator Cabdi Axmed Dhuxulow.

 

 

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here