Wasiirka Howlaha guud ee Galmudug oo dhagax dhigay laami laga hirgelinayo Cadaado “SAWIRRO”

Wasiirka Howlaha Guud iyo dib-u-dhiska ee Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa dhagax dhigay Dhismaha laami cusub oo lagu kordhinayo magaalada Cadaado.

Laamigan cusub ayaa waxaa dhismihiisa iska kaashanaayo Hay’adda JPLG iyo maamulka Degmada Cadaado, waxaana Wasiirka howlaha Guud ee Galmudug iyo guddoomiyaha degmada Cadaado ay ka soo qeyb galeen bilowga dhismaha wadadaan oo horey jaay u ahayd hadana laami loobadalaayo.

Guddoomiha degmada Cadaado Cabdullahi Cabdirabdiraxman Tootoole ayaa ka codsaday shirkada qaabilsan dhismaha inay 60 miter oo dheraad ah ugu daraan dhismala laamiga.

Cilmi Nuure Wehliye Maamulaha Shirkadda Ximan general oo ah kambaniga dhisaayo laamiga ayaa sheegay inay aqbaleen mitiraadka dheeriga ah ee uu maamulka ka codsaday.

Ugu dambeyn Wasiirka howlaha guud iyo dib-u-dhiska maamulka Galmudug Axmed Dhiblaawe ayaa xusay in ka maamul ahaan ay ka qeyb qadanayaan horumarinta waddooyinka Cadaado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here