Wasiirka Howlaha Guud Eng Saalax Sheekh” Waa inaan isku Tashannaa”

1
1509

Wasiirka  Howlaha Guud iyo dib u dhiska ee Xukuumadda Fedaraalka  Soomaaliya ayaa sheegay si loo horumariyo dhismaha dalka looga Baahan yahay shacabka Soomaaliyeed in ay isku tashadaan oo ay wadankooda ku dhistaan si iskaa wax u qabso ah lana sugin wax dibadda uga yimaada Shacabka.

Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Xukuumadda Soomaaliya Eng Saalax Sheekh Cusmaan oo waraysi siiyay Radio Muqdisho ayaa sheegay in qofwalba oo Soomaali ah looga bahanyahay in ay isku taagaan dib u dhiska dalkooda isla markaana aynan sugin deeq uga timaada dibadda oo dalkooda lagu dhiso.

“Waddankeenna annaga ayaa dhisan karna  waa inaan isku tashannaa waddamo kale  kaalmo ka timaadda culeys dheeraad ah ayaan u arkaa , waa inaan iskaa wax u qabso u dhisannaa dalkeenna, wakhtigii hore dalka waxaa lagu dhisi jiray iskaa wax u qabso, waa inaan isku tashannaa” ayuu yiri wasiirka Howlaha guud  Eng Saalax Sheekh.

Sidoo kale Wasiirka ayaa shacabka ku boorriyay in dalka uu leeyahay kheyraad badan loona baahan yahay in Ummadda Soomaaliyeed ay ka faa’iidaystaan kheyraadkaas.

Ummadda Soomaaliyeed waxaa waajib ka saaran in dalkooda ay dib u dhistaan, taas oo tusaalo wacan loo soo qadan karo dhismaha xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xammar oo dadka Soomaaliyeed ay ku dhisteen iska wax u qabso, iyaga oo hadda shacabka laga sugayo in xarumo kale oo bur-bur ka muuqdo ay ku dhistaan iskaa wax u qabso.

Did you like this? Share it:

1 COMMENT

  1. wasiirka howlaha guud waxoow ka dhawaajiyay arrin aad u qaymo badan oo ay wanaagsantahay in ay ku dhacdo dhago furan markaas kadibna la yeesho qorshe aad loo darsay oo dowlada iyo shacabka ka dhaxeeyso, kaas oo aan ku dhisaneeyno wadankeena.
    wasiirku waxoow ka dhawaajiyay in kaalmooyinka shisheeyaha laga sugaayo oow culeys keeni karo taasuna waa xaqiiqo jirto waayo kaalmooyinka caalamku bixiyo boqolkiiba todobaatan waa deyn wadankeenuna tabar uma haayo dayn ,daymahaasu waxeey keenikaraan hadii la bixiwaayo in ay noqoto dhibaato dowladeena lagu daqdiyo
    si ay usameeyso tanaasul aan wadan iyo shacab toona noo rooneeyn.
    waxaa jirto wadanka mid ah wadamada carabta oo oo deymo ka qaatay wadamada yurub qaarka mid ah wadankaasu waxoow bixinwaayay dayntii,wadankaas carbeed waxoow caanku ahaa suufka dharka laga sameeyo oo ow qaniku ahaa wadamadii yurub waxeey ku qasbeen wadankiaas inoow ku raali noqdo ineey suufkii wadankaas ku qaataan lacag aad u raqiis ah arrinkaasina waxoow socdaa muddo ku dhow labaatan sano oo wadankaasi faqrigii inoow u siyaado moogiye aan marna kor u kicin.
    hadaba wadamada la leeyahay deeqo ayeey bixiyaan waxeey tartan ugu jiraan ineey khayraadka wadankeena meel cidlo ah ku helaan iyagoo nagu soo galaayo ineey nacaawinayaan laakiin dano kale leh sidaas darteed waa inaan ka fekerno mustaqbalka dalkeena iyo ubadkeena una soo jeesano sidaan wadankeena dib ugu dhisan laheen waana aragnay inaan waxqabsankarno waxaana daliil noo ah sidaan u dhisanay gurigii dowlada hoose iyo sidaan usoo daadgureeysanay qaxootigeeni yamen ku xayirnaa.

    waxaa wanaagsan in la sameeyo towciyo wadani ah oo shacabka lagu towciyeeynaayo sideey uga qaybga lahaayeen dhismaha danaha guud iyadoo la xasuusinaayo mashruucii sharafta badnaa ee dowladeeni berisamaadki wadanka ku dhistay kaas oo lagu dhisay meelo badan oo ka mid ah danaha guud waa mashruucii iskaa wax uqabso,waa taariikh ifayso oo ku dayasho leh waayoo mashruucaani waxoow wadankeena ka badbaadinayaa inaan faceen deymo ka qaadano iyo in horumarka wadanku naga daaho.
    waa in la aruuriyo quburadii ka qayb qaatay mashruucaas oo ay maanta ka qayb qaataan dib udhiska wadanka.

    waxaan xasuusinayaa shacabkeena inta aan ka xasuusto mashruucaas in shaqaalaha dowlada saacado ka mid ah saacadaha shaqadooda la geyn jiray mashaariicda dhismahu ka socdo oo ay ka qayb qaadan jireen dhismahaas
    waxaa kaloo jirta in iskoolkii aan waxkusoo bartay iyo iskoola aad u fara badan lagu dhisay iskaa wax u qabso oo waliba dadweynaha xaafaduhu ka qayb qaateen.
    waa wax loo baahan yahay in aan ubadkeena ku barbaarino ineey ka qayb qaataan dhismaha wadankeena waayoo waa mustaqbalkoodi berri iyo cisadii wadankooda,
    waxaan salaan sharafleh halkaan uga dirayaa madaxweynaheena oo halsano ka hor ku dhawaaqay in aan dalkeena gacmaheena ku dhisano iyo masuuliyiintii iyo shacabkii ka qayb qaatay dhisidii guriga dowlada hoose oo sida loo dhisay ay niyada shacabkeena kor u qaaday.
    inshaa allaah wadankeena gacmaheena ayaan ku dhisan doonaa halheyskeenuna ha ahaado soomaalaay gedigiin gurmadoo kakacaay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here