Wasiirka Howlaha guud oo ka qeybgalay shir Caalami ah oo Istanbul lagu qabtay-Sawirro

1790

Wasiirka wasaarada howlaha guud iyo dib u dhiska mudane Eng Saalax Sheekh Cismaan ayaa ka qeybgaley  shir caalami ah shirkan ayaa waxa aloo ga hadleyey diiwaan gelinta, cabirka iyo sahaminta dhulka,wuxuuna  ka dhacay shirka magaalada Istanbul ee wadanka Turkiga.

wasiirka ayaa sheegey in  baahi weyn loo qabo diiwaan gelinta arimaha dhulka Soomaaliya laga sameeyo, shirkan oo maanta lagu soo gebagebeeyey  ayaa waxaa uu socdey 4 maalmood, waxaa ka soo qeybgeley in ka badan lixdan wadan.

Mudane Eng Saalax Wasiirka howlaha guud ayaa sheegey in wasaaradiisa ay u sameyneyso hey’ad u gaar ah sharciyeynta iyo sahaminta dhulka iyadoo la diiwangelindoono dhul  kasta noocuu doono ha ahaadee, wasiirka ayaa sidoo kale  sheegey in dhulka ay dowlada leedahay sharcigii  lagu maamuli lahaana ay u sameyneyso.

Sidoo kale wasiirka ayaa shegey in ay wax badan  faa’ideysteen shirkan ayaguna u faa ideeyey wafuudii kale ee ka soo qeyb gashey shirka,

Wasiirka ayaa ka hadley is haysadka dhuleed ee ka taagan wadanka Soomaaliya “waxaan ka horeynaa marka laga hadlayo arimaha dhulka wadamo badan kuwana wey naga horeeyaan” ayuu yiri wasiirka.

Soomaaliya ayaa markii ay bur burtey dowladii Militiriga waxaa dhacay in uu burbur xoogan uu ku yimaado hanaakii dhul bixinta Soomaaliya,taasii oo sabab u aheyd dowlad la’aanta dalka Soomaaliya lasoo daristey.

Wasiirka ayaa rajo weyn ka muujiyey in ay dib u soo labaan doonto howlihii dhul bixinta Soomaaliya,waxaan dhisi doonaa hay’ad u gaar ah arimaha dhul bixinta iyo diiwaan gelinta dhulka nooc kasta uu yahay,beer hadey tahay goob ganacsi,dhul deegaan  ayuu hadaladiisa sii raaciyey wasiirka howlaha guud,dib udhiska dowladda federaalka Soomaaliya Eng Saalax Sheekh Cusmaan.

20150421_143413 20150421_143440 20150421_143850 20150421_144958 20150421_174500

waziirka wazirka2 wazirka3 wazirka4

Mr Ali Moalim Isak

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here