Wasiirka Kalluumeysiga oo heshiis ku aadan iskaashiga xagga Kalluumeysiga laga galay dhigiisa Masar

1300

Wasiirka Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Mudane Maxamed Cumar Ceeymooy oo safar shaqo ku jooga Dalka Masar, isla markaana ay wehliyaan mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradaha beeraha iyo Xanaanada Xoolaha ayaa heshiis horudhac ah la galay dhigiisa Masar, kaddib kulan ay ku yeesheen magaalada Qaahira ee xarunta dalkaasi.

Wasiirka oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in heshiiska uu ku saabsanyahay sidii Wasaaradda looga caawin lahaa tayaynta shaqaalaha Kalluumeysiga, qalabka lagu kalluumeysto iyo sidii looga faa’iideysan lahaa wax soo saarka kheyraadka badda Soomaaliya.

“Wasiirka aan la kulmay waxa uu isku hayaa xilka Wasaaradaha beeraha, Xanaanada xoolaha iyo Kalluumeysiga, runtii aniga arrimaha kalluumeysiga ayaan ka wada hadalnay, waxaana kala saxiixanay heshiis horudhac ah, oo ku saabsan sidii la isaga kaashan lahaa wax soo saarka badda iyo in ay gacan nagu siiyaan tayaynta shaqaalaha Kalluumeysiga ku howlan” ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee xukuumadda Soomaaliya ayaa xusay in todobaadyada soo socda ay Caasimadda soo gaari doonaan quburo ka socda dowladda Masar, si ugu kuur galaan hirgelinta heshiiska isfahamka ah ee ay labada Wasiir kala saxiixdeen.

Tani ayaa qeyb ah qorshaha Wasaaradda ay ku dooneyso sidii loo horumarin lahaa ka faa’iideysiga kheyraadka badda, isla markaana dhiiirii gelin loo sameeyo kalluumeysatada, si ay sare ugu qaadaan wax soo saarkooda.

 

 

 

Did you like this? Share it:

1 COMMENT

  1. waxaa iga talo ah in aad carab ka fogaatiin sababtoo ah waa dad neceb dadka afrikaanka ah . dowladu waa in ay wax la qeybsato kuwa jecel horumarka africa oo ay ka mid yihiin mareykanka iyo europian cominity oo ah dad balan leh, war carab waa dad lamadagaan dagen oo aan wax soosaar lahayn oo idin neceb , ee ka fogaada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here