Wasiirka Kalluumeysiga: waa in si dhaqso leh looga baxaa suuqyada Kalluunka

0
1411

kulankan  wasiirka  Kalluumaysiga iyo Kheyraadka badda xukuumada Federaalka Soomaalia  Mudane Maxamed  Cumar  Caymooy  uu maanta  xafiiskiisa kula qaatay xubno ka socday  guddiga  iskaashatadda  kalluumaysiga ee gobolka  Banaadir ayaa looga hadalayey  arimo dhowr ah oo ay ka mid  tahay  sare  u qaadista horumarinta wax soo saarka kheyraadka  badda Soomaaliya  iyo in kallumaysatadda  Soomaaliyeed  looga  baahan yahay in ay bixiyaan  canshuurta waajibka ku ah  si  ay kaalitooda kaga qaatan   kobcinta  dhaqaalaha dalka,waxaana  kulanka  goob joog ka ahaa   wasiirku xigeenka iyo  Agaasimaha  guud wasaaradda .

Wasiirka  ayaa  ugu horeyn kulanka warbixin kaga dhagaystay gudiga taas oo ku saabsaneyd caqabadaha  heysta  kaluumaysatadda Soomaliyeed  oo ay ka mid tahay in aysan haysan qalab lagu keydiyo kaluunka ay  badda ka soo saartaan iyo in aysan haysan suuqyo loo iiibgeeyo  ayna  wasaaradda ugu baahan yihiin  in ay ka caawiso helitaanka arimtaas.

Kulanka ayaa markii uu soo  idlaaday waxaa warbaahinta qaranka  Soomaaliyeed la hadlay wasiiirka  Kalluumaysiga  iyo Kheyraadka  Badda  Soomaaliya Mudane Maxamed  Cumar  Caymooy isagoo sheegay gudiga iyo mas’uuliyiinta Wasaaradda ay isku afgarteen  in kaluumaysatada ay  bixiyaan canshuurta ku waajibtay.

Xubnaha  socday  guddiga iskaashatadda  Kalluumaysatadda  gobolka Banaadir ayaa Wasiirka u soo  jeediyey in Kawaanadii  lagu  iibin jiray  kaluunka  ay gacanta  ku hayaan  shaqsiyaad  gaar ah baahi weyna ay  u qabaan  in lagu soo celiyo gacanta kaluumaysatadda Soomaaliyeed.

Mudane  Maxamed Cumar Caymooy  ayaa   ka dalbaday in dadka   gacanta ku haya suuqyada loogu  talagalay in lagu iibiyo  kaluunka   sida  ugu dhaqsiha    badan ay ku bineeyaan si ay  ugu fa’iidaystan  kaluunmaysatada Soomaaliyeed.

“Dhamaan suuqyada Kaluunka lagu iibin jirey  oo ku kala yaala degmooyinka in ay isaga baxaan dadka degan maadaama baahi weyn loo qabo in mudo ah ayaa heysateen hadda waa loo baahan yahay” ayuu yiri Wasiir Caymoy.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here