Wasiirka Maaliyadda Jubbaland oo booqday dhaawacyadii maanta

Guddoomiyaha Guddiga Baarlamaanka Jubbaland u qaabilsan qabashada doorashada Xildhibaannada Golaha Sare Xildhibaan Xuseen Xirsi Axmed ahna Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa booqday dhaawacyada cayaartooydii maanta qarax lagula eegtay magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Mudane Xuseen Xirsi Axmed ayaa mid mid u booqday dhaawacyada, waxaana uu dhiig u shubay dhallinyarada lagu dabiibayo Isbitaalka.

Wasiirka Maaliyadda Jubbaland ayaa shacabka ugu baaqay inay dhiigooda ugu deeqaan dhawacayada, ayna la shaqeeyaan laamaha Ammaanka si looga hortago dhagarta argagixisada Al-Shabaab ay maleegayaan.