Wasiirka Maalliyadda oo ka qeybgalay xaflad abaalmarin lagu bixinayay oo Kuwait lagu qabtay”SAWIRRO”

1786

Safaarada Soomaaliya ee Kuwait ayaa caawa qabatey xaflad abaal Marin ah oo shahaado sharaf lagu gudoonsiiyey wiil soomaaliyeed oo ka qeyb galay tartanka sanad laha ah ee qur’aanka kariim ah oo lagu qabto dalkan Kuwait kana soo qeybgalaan dalal badan oo ka tirsan 5 qaaradood ayaa waxaa nasiib u yeelatay Soomaaliya in  sanadkan kaalinta koowaad gasho waxaana  u matalayey Cabdirisaaq Cabdullahi Cali.

Xaflada lagu soo dhaweynayay wiilkan Soomaaliyee isla markaana shahaado sharaf lagu gudoonsiinayay ayaa waxaa ka soo qeybgaley Wasiirka Maaliyada Mudane Maxamed Aadan Ibraahim isaga ayaa shahaado sharafta gudoonsiiyey wiilka kaalinta koowaad galay Cabdirisaaq Cabdullahi Cali.

Sidoo kale xafladda lagu qabtay xarunta safaaradda Soomaaliya ee magaalada Kuwait waxaa goob joogka ahaa safiirka Soomaaliya ee dalka Kuwait iyo xubno ka socday Jaalliyadda Soomaaliyeed ee Kuwaita ku dhaqan.

Xaflada ayaa ku soo idlaatey jawi farxadeed oo ay kasoo qeygalayaasho ka muuqatey farxad aan la soo koobi Karin una hambalyeynayeen wiilkan Soomaaliyeed.

image image_1 image_2

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here