Wasiirka Macdanta iyo Batroolka oo ugu Hambalyeeyey  Ciidanka Amniga Fashilinta Weerarki Maanta

1901

Wasiirka Wasaraada Macdanta iyo Batroolka Eng Maxamed Mukhtar Ibraahin ayaa Ciidanka Amniga Soomaaliyeed ugu hambalyeeye qaabka Geesinimadu ku dheehantahay ee ay u fashiliyeen maanta Weerarkii fulaynimada ahaa ee ay kusoo qaadeen Kooxda UGUS dhismaha Wasaaradaha Tacliinta iyo Hidaha oo sidoo kale ay hadda ku shaqeyso Macdanta iyo Batroolka ee Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu tacsi u diray dhamaan dadkii ku waxyeeloobay weerarkaasi maanta, dhanka kalana ugu baaqay bulshda Soomalaiyeed inay halmeel uga soo wada jeestaan ka hortaga falalka dhuumaalaysiga ah ee UGUS ay soo maleegayaan si ay u waxyeeleeyaan Umada Soomaaliyeed .

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “ Uma Joojin doono shaqada ay Wasaaradahani u hayaan Umada Soomaaliyeed weerar fulaynimo ah oo si gaadmo ah naluugu soo qaado waxaana ugu baaqayaan dhamaan shaqaalaha wasaaradahan inay sii wadaan shaqadii ay u hayeen Umada Soomaaliyeed laga bilaabo barito”

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here