Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo ka kulmay dhigiisa Suudaan +Sawirro

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada xukuumadda Soomaaliya, Sadiiq Xirse Warfaa iyo dhigiisa Suudaan Lena Al-sheikh Cumar ayaa ka wadahadlay iskaashi ay wada yeeshaan labada wasaaradood ka dib markii ay ku kulmeen caasimadda Suudaan ee Khartuom.

Kulanka labada wasiir ayaa waxaa goob joog ahaa, danjiraha Soomaaliya ee Suudaan Maxamed Sheekh Isaaq, qeybsanaha ganacsiga ee saafaaradda Yuusuf Axmed Xasan iyo saraakiil kale oo ka tirsan labada dhinac.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, ee Soomaaliya ayaa  qeyb ka ahaa, wefdi wasiiro ah oo Soomaaliya ku matalaya shirka urur goboleedka IGAD oo ka dhacay dalka Suudaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here