Wasiirka Shaqada oo si KMG ah u fasaxay dhamaan Shirkadaha shatiyada u heysta in xoogsatada dibadda u dhoofin karaan

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada  Xukuumdda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa si kumeel-gaar ah ugu fasaxay dhammaan shirkadaha shatiyada u heysata in xoogsatada Soomaaliyeed dibedda u dhoofin karaan sababbo la xiriira shaqo siin dibedeed.

Wasiirka wuxuu go’aankan qaatay markii uu arkay Saameynta dhaqaale oo ay ku yeelatay shirkadaha shatiyada u heysta shaqo siin dibedeed iyo shaqaalihii loo qaadi lahaa dibedda oo uu dal ku galka (Visa) ka dhacay.

Wuxuuna tixgaliyay cabashada ka timid xoogsatada Soomaaliyeed oo heysta ruqsada shaqo siin dibedeed iyo dal ku galka (visa) si ay ugu dhoofaan ugana shaqeystaan dalalka ay oggalaanshaha shaqo ka heestaan.

Wareegtada rasmiga ah ;

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here