Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha X. F. S oo tababar u soo xiray qaar ka mid ah Shaqaalaha Wasaaraddaasi

1007

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Saalim Caliyow Ibroow, ayaa isagoo la hadlayey Warbaahinta Dowladda ka warbixiyey qaar kamid shaqaalaha wasaaradaasi oo maanta tababar loogu soo gabagabeeyey  Magaaladda Muqdisho.

ku dhowaad 20 kamid ah shaqaalaha wasaaradda ayaa soo loo gabagebeeyay tababbar kor loogu qaadayo aqoonta iyo xirfadda shaqaalaha, Wasiir Saalim ayaana sheegay in ujjeedka tababarkaasi  uu yahay  siddii sare loogu qaadi lahaa  aqoonta Shaqaalaha wasaaradda, isagoo  Shaqaalaha ku adkeeyay in ay ku dadaalayaan sidii ay u kobcin lahaayeen aqoontooda, isla markaana madaxda wasaaraddu arrintaas ku gacan siin doonaan.

Tababbarka ayaa shaqaalahan u socday muddo ku siman toddobaad, waxaana uu qeyb ka yahay qorshaha lagu tayaynayo dhammaan shaqaalaha wasaaradda sida ay sheegeen mas’uuliyiinta wasaaradda.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here