Wasiirka Warfaafinta Dalka iyo Mas’uuliyiin Kale Oo Booqday Caruurta Ay Ka Geeriyaatay Marxuumad Hindiya “Sawirro”

2618

Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye,Wasiiru dowlaha Wasaaradda Warfaafinta Dalka Maxamed Cabdi Xasan Beekoos, Wasiir ku xigeenka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Xukuumadda Soomaaliya,Xildhibaanno, iyo mas’uuliyiin kale ayaa maanta booqday hooyga ay ku noolyihiin caruurta ay ka geeriyootay Marxuumad Hindiya oo Khamiistii la soo dhaafay ugu geeriyootay waxyaabaha qarxa oo dhagar qabayaal ay ugu soo xireen gaarigeeda.

Guriga mas’uuliyiintaasi ay booqdeen ayaa waxa ay ku soo arkeen caruur hooyo iyo aaba la’aan ay dhigeen manaxayaasha Al Shabaab, waxaan la joogay dad u badan haween oo ay ka muuqatay murugo, waxaana mas’uuliyiinta ay la qeybsadeen murugada, iyagoo sheegay in ay ka xunyihiin waxa dhacay, waxaana caruurtaasi hadda gacanta ay ku heyso hooyada dhashay marxuumad Hindiya Allaha u naxariistee.

Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo mas’uuliyiinta la socotay ayaa sheegay in ay ka wada xunyihiin geerida Allaha u naxariistee Marxuumad Hindiya iyo Marxuum Liibaan Cali Nuur oo  labaduba u dhintay Qaranka Soomaaliyeed kuna baxay gacanta argagaxisada Al Shabaab, Waxaana uu xusay in Dowladda ay la socdon doonto caruurtan oo waalidkoodu ay u dhinteen.

DSC08412 DSC08413 DSC08415 DSC08417 DSC08420 DSC08423 DSC08424 DSC08426 DSC08429 DSC08432 DSC08433 DSC08435 DSC08438 DSC08441 DSC08444 DSC08447 DSC08449 DSC08453 DSC08455 DSC08456 DSC08462 DSC08468 DSC08469 DSC08470 DSC08471 DSC08472 DSC08476 DSC08477 DSC08484 DSC08488 DSC08493

Did you like this? Share it:

1 COMMENT

  1. hindiyo iyo liibaan cali waxeey ahaayeen labo qofood oo dhalinyaro ah oo wadaniyiin ah hadana geesiyiin ah waxeey u dhinteen wadankooda, waxeey hureen wax wadanka loo huro wixii ugu qaymo badnaa oo ah nafta qaaliga ah, iyagoo fahmay in wadanku qaali yahay iyo ineey noolaadaan iyagoo xor ah ama dhintaan iyagoo shahiid ah waxaana illaaheey ka baryaynaa inoow shahiidnimo ku irsaaqo mar hadeey ku dhinteen gacan ka gardaran iyagoo wadankooda u shaqeynaayo.

    hindiyo iyo liibaan waajibkoodi wadaninimo ayeey si sharafleh u guteen waxeyna ka tageen caruurtaas ubaxa ah oo ay waajib ku tahay dowlada iyo shacabka soomaaliyeedba ineey madaxa korkiisa ku qaadaan.hindiyo iyo liibaan waa tusaale sharafleh oo ubadkeenu ku dayan doonaan hadii ubadkooda la daryeelo hadiise ubadkaasi dayacmaan waxeey noqo doontaa niyad jab ku yimaado qofkastoo wadankiisa jecel markay arkaan ubadkii aabahood iyo hooyadoodba wadanka dartiis u dhinteen oon la qadarin xaqoodina la siin.

    waxaan halkaan baaq uga dirayaa dowlada in ay ubadkaas meel wanaagsan ku ogaato oo waliba loo yeelo mushaar bilkasto ay qaataan si ay u ogaadaan in waaridkood ku saxnaayeen ineey wadankooda dartiis u dhintaan.
    wasiir maareeye maanta waxaad tahay aabihii labaad mar hadaad madaxka tahay hay,adii ay ka shaqeynaayeen waaridka ilmahaas oo ay labaduba iyagoo kalimada xaqa ah sheegaayo darteed loo ugaarsaday ,marka mudane wasiir dhalinyarada ka shaqeyso war isgaarsiinra qaranka waxaa muraayad ay iska arkaan u ah liibaan iyo hindiyo kolba sidii loola dhaqmo ubadkaas ayeyna ka dabqaadan doonaan marka mudane wasiir maareeye waxaan kaa dalbanaynaa in aad wanaajiso ubadkaas si dhalinyarada maanta iyo kuwa beriba u noqdaan kuwo naftooda iyo maalkoodaba u huro wadankooda.
    waxaan kaloo halkaan iyana baaq uga dirayaa shacabka soomaaliyeed intii illaaheey wax siiyay ineey ubadkaas yatiinta noqday ogaadaan rasuulkeenuna waxoow noo sheegay in qofkii yatiim kafaalo qaado inoow janada isaga dhiniciisa noqo doono marka maxaa ka wanaagsan anagoo ubadkeenaas daryeeleyno in aan hadana ku guuleysano in aan rasuulkii agtiisa janada noqono.
    illaaheey liibaan iyo hindiyo janatu fardowso ha ku wada kulmiyo ubadkoodana allaha u xifdiyo hana uga dhigo ubad saalixiin ah anaga iyo ehelkoodiina hanaga wada samirsiiyo aamiin yaa rabbi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here