Wasiirka Warfaafinta oo ka qeybgalay munaasabad is dhexgalka bulshada kor loogu qaadayay

952

Munaasbadan oo lagu maamusayay isdhexgalka bulshada Soomaaliyeed ee ku nool maqaalada muqdisho ayna ka qeybgaleen mas’uuliyiin uu ka mid yahay Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, gudomiyaha gobalka Banaadir mas’uuliyiin katirsan maamulka gobalka Banaadir iyo qeybaha bulshada ayaa xalay lagu qabtey degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir.

Munaasabada ayaa intii ay socotay waxaa suugaan wacyigelin ah waxaa ku soo bandhigay fanaaniin ka socotay kooxaha  Deegaan iyo Wadaag Band oo ka dhisan degmada Howlwadaag taas oo ay u wada riyaaqeen dadkii ka qeyba galay munaasabadaasi.

Gudomiyaha degmada Howlwadaag  Axmed Nuur Cabdi Siyaad oo ugu horeyn munaasabada ka hadlay ayaa sheegay xafladaan ay ugu talogaleen iney ku xoojiyaan isdhexgalka bulshada iyowacyigelin ku saabsan bixinta canshuuraha si loo horumariyo adeegyada bulshada.

“Mudane gudoomiye mudane Wasiire xafladaan waxaan u qabanay isdhexgalka  bulshada iyo laamaha amniga ee degmada ka kooban tahay  oo usbuucyadii la soo dhaafay ay noo socotay oo aan isku baranay gudoomiye waaxyada iyo tabeeliyaasha saldhigyada ee Bakaaraha iyo saldhiga Booliska iyo nabadsugida ee degmada” ayuu yiri gudoomiye Siyaad.

Gudomiyaha gobalka Banaadir Ahna duqa maqaalada Mudisho mudane Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” oo isna munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in maamulka gobalka Banaadir u sii wadi doono xafladaha lagu wacigaliniyo bulshada.

“Gobalka Banaadir waxaa ka socota horumar wanagsan si horumarkaasi loo joogteeyo waxaa la isla gaartay in bulshada mar waliba lagu wacgaliyo iney ka qeyba qadaan horumarka maqaalada haddii ay ahaan laheyd xaga amaanka dib u dhiska iyo la shaqeynta lamaaha aminga”. ayuu sheegay Muungaab.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumada Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” ayaa sheegay in isku xirka bulshada lagu gaari karo horumarro dhinacyo badan leh.

“Runtii madax badan oo Soomaaliyeed  waxaa ay aaminsanyihiin in xili dambe dad intan oo kale ah ay isku yimaadaan oo ay madax sare joogto,waxaa amaanayaa mowduuca aad ku soo qaadeen oo ah isku xirka bulshada iyo wacyigelinta ku saabsan bixinta canshuuraha”. waxaa sidaa yiri wasiirka Warfaafinta.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here