Wasiirka Warfaafinta oo ka tacsiyeeyay geerida Sh. Aadan Cali Xasan

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Cismaan Abuukar Dubbe waxa uu ka tacsiyeynayaa geerida ku timid Allaha u naxariistee Sheekh Aadan Cali Xasan oo ku geeriyooday degmadda Kaxda ee gobolka Banaadir.
Sheekh Aadan waxa uu ahaa Daaci inta badan noloshiisa ku bixiyay inuu wacyigalin iyo duruus diini ah Bulshada Soomaaliyeed marsiiyo Radio Muqdisho oo mudo dheer uu ka howlgelayey.