Wasiirka Warfaafinta oo ka warbixiyay shirkii ka dhacay Qaahira-Sawirro

0
1095

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska  Xukuumadda  federaalka Soomaaliya  mudane  Maxamed  Cabdi Xayir “Maareeye”  oo  dalka Masar kaga qayb galay shirka Wasiiradda Warfaafinta  wadamada  Ururka Jamacadda Carabta ay ku yesheen magaalada Qaahira  ayaa sheegay in shirkaasi looga  hadlayey  sidii  warbaahinta   dalalka  ku jira Jamacadda Carabta ay iskaga  kaashanlahaayeen  wacyigelinta  bulshadda ee la xariiirta  qatarka  kooxda  argagaxisada.

Mudane Maxamed  Cabdi  Xayir “Mareeye” oo Warbahinta Qaranka kula hadalay  garoonka diyaaradaha magaaladda  Muqdisho  ayaa  tilmaamay in shirkaasi  ay ka soo baxeen go’aano  muhiim ah.

“Waad ogtihiin meelo badan oo kamid ah dowladaha Jamacadda  Carabta in ay ka jiraan  dagaallo sida Suuriya, Ciraaq, Yeman, Liibiya iyo Soomaaliya oo ku jirta  liiska  dowladaha ka soo kabanaya dagaallada sokeeye, marka  runtii waxa looga hadlay ajendooyinka badan  oo mowqif  fiican laga wada gaaray, sidoo  kale waxaa looga wada hadlay  sidii wacyigelin midaysan looga  yeelaan lahaa la dagaallanka  argagaxisada iyo  fikirkooda  qaldan ee ay wataan argagaxisada  caalamiga ah”.

“Maadaama argagaxisadu lafteedu  mid yihin oo ay ka midaysan yihiin xaga  fikirka  iyo ciidanka   iyo xag-jirnimada, dowladaha Jamacadda Carabtuna waxa ay yeesheen  midnimo qorshe  lagu cirib tirayo fikirka  kooxahaasi “.ayuu yiri Wasiir Mareeye.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka  iyo Dalxiiska ayaa   intii uu ku sugnaa magaalada Qaahira ee dalka Masar waxa uu kulamo  looga   hadlayey horumarinta Warbaahinta Soomaaliyeed la qaatay qaar ka mid ah Wasiiradii ka qayb galay shirka.

“Sidoo  kale mudadii aan shirka joogay waxaan la kulmay Wasiiro badan oo Jamaacadda Carabta ka tirsan  sida Wasiirka Warfaafinta, dhallinyaradda iyo cayaaraha  dalka Kuwait, Wasiirka  Warfaafinta ee Wadanka Masar, Wasiirka Warfaafinta Suudaan iyo Wasiirka Warfaafinta Morocco iyo dabcan madaxda Jamaacadda Carabta ,marka waxaan dhihi karaa shir guul ah ayuu u ahaa Soomaaliya, waxaan   shirka ku soo bandhignay xalaadda  Soomaaliya  halka ay marayso  iyo Warbaahinta tan dowladda iyo tan gaarka loo leeyahay, halka ay marayso iyo sidii  gacan nalaga siin lahaa horumarinta Warbaahinta Soomaaliyeed” ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Kulamadaan uu Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya  uu la soo qaatay Wasiirada  Warfaafinta qaar ka mid ah  dalalka Jaamacada Carabta ayaa  qayb ka ah  qorshaha  Wasiir Maareeye uu ku doonayo in lagu horumariyo Warbaahinta Soomaaliyeed.

11289841_952184454815473_1128560063_n 11289926_952184291482156_1050090279_n 11292792_952186851481900_972668556_n 11297747_952185014815417_517691810_n 11303717_952184298148822_1179719830_n 11304275_952184934815425_706728052_n

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here