Wasiirka Warfaafinta oo tababar u furey dhalinyaro baranaysa Farshaxan

878

Tababarkan maanta loo furey 20 dhalinyarro oo fananiinta da’da yar ah  ayaa lagu baranaya  mudadda uu socdo sida loo sameeyo sawirada farshaxanka ,garaacista miyuusikadda iyo heesaha si ay uga qeyb qaataan wacyigelinta bulshada iyadoo ay soo qaban qaabiyey tababarkan fananiinta hoboladda Waabari oo kaashanaya Wasaaradda Warfafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska.

Furitankii tababarkan ay ka qeyb galeen wasiirka Warfafinta xukuumadda Soomaaliya, wasiirku xigeenka Wasaaradda, agaasimaha guud ee   wasaaradda iyo xubno ka socday fanaaniinta hoboladda Waabari oo tababarkan soo qaban qaabiyey.

Agasimaha Fanaaniinta Hoboladda Waabari Maxamed Xasan Barrow oo ugu horeyntii  ka hadley goobta ayaa sharaxey waxyabaha dhalintan ku baran doonaan mudada tababarku socdo.

“Waxaa loo soo xuley dhalinyarrada iney bartan tababar Music iyo mid farshaxan waxaana soo qabanqabiyey hoboladda Waabari ee qaranka Soomaaliyeed ayaga barnamijkan abaabuley oo isu keeney anago uga dan leh in ay ka qeyb qaataan wacyigelinta dadka Soomaaliyeed  dhanka farshaxanka iyo fanka”. ayuu yiri Barrow.

Agasimaha guud ee wasaaradda Warfafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Cabdirisaaq  Cali  Yuusuf Bahlaawi ayaa faah faahiyay  mudada uu socon doono tababarkan iyo qeybaha uu ka koobnan doono.

“Barnaamijkan aadka u balaaran waxaa uu socon doonaa mudo sadex bilood ah barnaamijkan waxaa uu ka koobanyahey shan qeybood waxcaana fulin doona Waabari wasaaarduna qeybteeda ayay qaadan doontaa qeybta koowaad waa in dhalinta la barayo farshaxanka artis-ka iyo suugaanta”. sidaa waxaa sheegay agaasime Bahlaawi.

Wasiirka Wasaaradda Warfafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ugu dambeyn tababarkan si rasmi ah u furey kulana dardaarmay dhalinyarada in ay ka faa’idaystan fursadani.

“Marka waa inoo furanyahay markii uu dhamaado dadka soo baxo farshaxanka qurxana ku shuba hobolada kuwo sawiro fiican sawira oo caruurta leh farshaxan fiicana diyaariya  websateyada dowladda ayaa la idinka rabaa howl fiican ayaana idin rajeynayaa waana inoo furanyahay siminaarku”. ayuu yiri wasiir Maareeye.

Dhalinyaradan oo tababarka u furmay ayaa qeyb ka noqon doona howlaha wacyigelinta bulshada oo ay wadaan fanaaniinta Soomaaliyeed.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here