Wasiirka warfaafinta XFS oo magacaabay guddiga wax soo saarka golaha murtida iyo wacyigelinta Qaranka

Warqad ka soo baxday xafiiska Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa lagu magacaabay guddiga wax soo saarka golaha murtida iyo wacyigelinta Qaranka.

Xubnaha Guddigaan oo ka kooban 7-qof ayaa waxaa ka mid ah Abwaano, waxaana loogu talagalay in kor loogu qaado fanka iyo suugaanta, si loo abuuro wax soo saar faneed oo taaba gala.

Hoos ka akhriso magacyada xubnaha guddiga.