Wasiirka Warfaafinta XFS oo tababar u furay shaqaale ka tirsan wasaaradda iyo hay’adaha kale ee dowladda+sawiro

Tababarkani oo ku saabsan xoojinta xiriirka ka dhexeeya Hayadaha Dowladda Iyo bulshada inteeda  kale Ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho,waxaana Lagu soo bandhigay aragtiyo ku aadan side ugu Hoboon ee loo xoojinkaro arrintaasi.

Tababarkani ayaa waxaa soo qabanqaabisay Wasaaradda Warfaafinta XFS,waxaa maalgelinaysa safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya,iyadoo hirgelintiisu ay iskakaashanayaan Muqdisho Media House Iyo Farsight Africa,waxaana Lagu soo bandhigay aragtiyo ku aadan ahmiyadda ay leedahay in xal loo helo caqabadaha kuhor-gudban xoojinta xiriirka.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka Iyo Dalxiiska Iyo Danjiraha Dowladda Mareykanka oo furitaanka ka Hadlay ayaa faah faahiyay hadafka laga leeyahay Tababarkani.

Safiirka Mareykanka eye Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa sheegay in Dowladda Mareykanku ay Diyaar u tahay Sidii taageero Buuxda loo siin Lahaa Soomaaliya,iyadoo loo marayo hirgelinta mashaariic horumarineed.

Mudane Daahir Maxamuud Geele Wasiirka Warfaafinta  Iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in qorshaha Wasaaradda uu yahay wacyigelinta bulshada,sida xoojinta xiriirka Iyo barnaamijka isqaadasho is loo hello xasilooni iyo horumar.

Wasiirka Warfaafinta ayaa Uga mahadceliyay Dowladda Mareykanka garab istaageeda Soomaaliya,wuxuuna ku booriyay shaqaalaha Dowladda in ay ka faa,ideystaan tababarkani ayna Uga adeegaan bulshada.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here