Wasiirka Wasaarada Caafimadka oo maanta dalka dib ugu soo laabatay-Sawirro

1675

Wasiirka Caafimadka Soomaaliya  Dr.Xaawo Xasan Maxamed ayaa maanta ka soo degtay garoonka diyaaradaha Aadan C/lle ee Magaaladda Muqdisho ka dib markii ay ka soo laabatay safar shaqo oo ay ku tagtay dalalka Masar, China iyo Swizerland. Wasiirada ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay Wasiir  ku xigeenka caafimadka Agaasimayaasha waaxyaha kala duwan ee wasaaradu ay ka koobantahay iyo Xubno Kale.

Wasiirka Wasaaradda Caafimadka ee Xukuumadda Soomaaliya oo qeybta nasashada ee Garoonka Aadan Cadde saxaafada kula hadashay ayaa ka warbixisay safarkii ay ku tagtay dalalkaasi,iyadoona wasiiradda sheegtay in waxyaabo badan ay u soo qabsoomeen

Wasiirka ayaa sheegtay in shirki ay kaga qeyb gashay dalka Masar oo ay isku yimadeen Wasiirada caafimaadka Jaamacada carab in la isku af gartay in shir weyn la qabto oo si gooni ah looga hadlaayo taageerida iyo dib u dhiska caafimaadka dalka Soomaaliya.

Sidoo kale wasiiradda ayaa sheegtay in ay ka wada hadleen in sanadaha soo socdo ay wasaaradda caafimaadka ee dalka China ay gacan ka geysato taakuleynta adeegyadda caafimaadka . Wasiiradda Caafimadka Soomaaliya ayaa intii ay ku sugneyd dalalka Masar iyo China waxa ay kulamo la qaadatay mas’uuliyiinta wasaaradda Caaafimaadka ee dalalkaasi iyadoona kala soo hadashay arrimo la xiriira horumarinta adeegyadda caafimaadka ee dalka soomaaliya.

“Tan ugu horeyso waxaa ay tahay xirirka aniga iyo China inaga dhexeeyay taasi muhiimad gaar ayaa ah in ahmiyad la siiyo isbitaalka Banaadir laakiin aniga waxaan codsaday isbitaalka Banaadir wuxuu ahaan jiray hooyada iyo dhalaanka labo isbitaal oo sidaas oo kale gobolada dalka lagu daro si dadka ay u helaan xarumo caafimaad” ayay tiri wasiirka caafimaadka.

Sidoo Kale Wasiirka Wasaarada caafimaadka ayaa tilmaantay shirkii ay kaga qeyb gashay dalka Swizerland-Genvea oo shirki 68 ee Ururka caafimaadka Aduunka, waxayna sheegtey in la isla soo qaday laguna heshiiyey in Soomaaliya si gooni ah looga caawiyo ladagaalanka cudurada faafa oo dhibaatoyin badan ku haaya hooyada iyo dhalaanka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii Wasiirka Wasaarada caafimaadka ayaa carabka ku dhufatay in safarki ay ku maqneed uu ku soo dhamaaday guul iyo is afgarad.

11194400_465861803578349_2816847438522691021_o 11202861_465861806911682_1335553194222717682_o 11377366_465861770245019_8100308483476216846_n ff waa

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here