Wasiirka Waxbarashada oo booqatay qaar kamid ah Dugsiyada Muqdisho”SAWIRRO”

3433

Drs Khadra Bashiir Cali  Wasiirada Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ayaa maanta booqatay Iskuulada dowladda ee lacag la’aanta gaar ahaan Iskuulka 11 Janaayo oo ku yaalo degmada Cabdicaziis ee Magaalada Muqdisho, waxeyna soo indha indheysay qaabka Waxbarashada ay u socoto iyadoo si toos ah su’aalo mid mid u weydiineysay Ardayda Fasalada ku jirtay qaar.

Wasiirada ayaa si aad ah ugu faraxday qaabka Waxbarashada ay u socoto, waxeyna booqashadeeda ku dhiira galineysay Waxbarashada Bilaashka ah ee loo simanyahay Wasiirada ayaa sheegtay in ay kor u qaadi doonaan tayada Iskuulada dowlada islamarkaana sanadkan laga qaadi doono dalka oo dhan Imtixaan Qaran.

Dr Khadar Bashiir ayaa faslada Iskuulka mid mid u booqatay, waxeyna sheegtay in Ubadka Soomaaliyeed ee wax ku baranaya dalkooda sida kuwan oo kale ay mudanyihiin in la dhiiragaliyo oo laga taageero sidii kor loogu qaadi lahaa aqoontooda.

“Waa ay inaga go’antahay soo nooleynta iyo xoojinta Iskuulada dowladda si canug waliba oo Soomaaliyeed uu u helo Waxbarsho lacag la’aan ah waayo Waxbarashada lacag la’aanta ah waa loo simanyahay oo malahan kala sareyn soo celinteedana dalka iyo dadka ayey faa’iido u tahay” ayay tiri Dr Khadra.

Ugu dambeyntii Maamulka iyo Macalimiinta Iskuulada dowlada ayaa u mahadnaqay Wasiirada Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare booqashada ay ku tagtay Iskuulada taas oo ay ku dhiira galineyso Waxbarashada loo simanyahay ee bilaashka ah.

DSC_0587 DSC_0592 DSC_0604 DSC_0621 DSC_0628 DSC_0641 DSC_0646 DSC_0672 DSC_0673 DSC_0691 DSC_0691_1 DSC_0701 DSC_0705 DSC_0821

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here