Wasiirka Waxbarashada oo ka qeybgashay munaasabada todobaadka dhir beerista Soomaaliya

0
1384

Munaasabada oo qeyb  ka aheyd xuska todobaadka Dhir beerista Soomaaliya oo maanta lagu qabtay magaaladda Muqdisho waxaa ka qeyb galay Wasiirka waxbarashada Soomaaliya,mas’uuliyiin ka socotay Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ,Maamulka Jaamacada Umadda Soomaaliyeed arday iyo marti sharaf kale.

Munaasabada oo looga hadlay micnaha ay Dhirta u leedahay Aadanaha ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay agaasimaha maamulka iyo maaliyada ee Wasaarada Xanaanada xoolaha Dhirta iyo Daaqa sidoo kalena xubin ka ah gudiga qaban qaabada munaasada todobaadka Dhirta Soomaaliya ,wuxuuna ku baaqay in qof walba oo Soomaali ah uu ka qeyb qaato dib usoo nooleynta Dhirta Soomaaliya.

Hormuudka Kuliyada Beeraha ee Jaamacada Umadda Soomaliyeed C/raxmaan Jaamac Ducaale ayaa ugu baaqay madaxda Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed in Dhirta beeristeeda aan hal maalin keliya lagu ekeyn loona baahanyahay in mar kasta la beero.

Agaasimaha qeybta tacliinta sare ee Wasaarada waxbarashada Soomaaliya Mudane Ismaaciil Yuusuf ayaa kula dardaarmay shacabka Soomaaliyeed in ay Dhirta beeraan meel kasta oo ay joogaan si looga hortago xaalufinta dhirta.

Wasiirka waxbarashada iyo Tacliinta sare ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Qadar Bashiir Cali  oo ugu dambeyn munaasabada soo gaba gabeysay ayaa ku dheeraatay muhiimada Dhirta leedahay ,waxa ayna sheegtay in qof walboo Soomaali ah loo baahanyahay in uu ka qeyb qaato beerista Dhirta.

Ugu dambeyn mas’uuliyiintii munaasabada kasoo qeyb gashay ayaa min hal geed ku beeray gudaha jaamacada Umadda Soomaaliyeed oo munaasabada maanta lagu qabtay.

DSC02490 DSC02499 DSC02500 DSC02501 DSC02502 DSC02503 DSC02504 DSC02506  DSC02515 DSC02516 DSC02517 DSC02518  DSC02533 DSC02534 DSC02541 DSC02542 DSC02543 DSC02544 DSC02549   DSC02558 DSC02562 DSC02563  DSC02565 DSC02566 DSC02567 DSC02569  DSC02574 DSC02575 DSC02576   DSC02579 DSC02580 DSC02582 DSC02583 DSC02584 DSC02585

Sawir Qaade: Qadar Cali Nuur.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here