Wasiirka Waxbarashada oo la kulantay gudiga arimaha bulshada ee Barlamaanka

0
1292

Kulankan  guddiga arimaha bulshada Baaralaanka dalka uu la yeeshay wasiirka waxbarashada  iyo Tacliinta sare  ee xukumadda Soomaaliya  ayaa  u jeediisu aheyd  sidii mas’uuliyiinta wasaaradda  waxbarashada wax looga weydiin lahaa halka uu marayo  qorshaha wasaaradu ay ku doonayso  in sanadkan goboladda  koofurta  iyo bartamaha Soomaaliya lagu sameeyo hal imtixaan  oo midaysan  ardayda  ka baxaysa  dugsiyadda sare.

Gudiga  arrimaha bulshada  Barlamaanka ayaa wasiirka waxbarashada,wasiir  ku xigeenka iyo wasiiru   dowlaha  su’aallo  ka waydiinayey qaabka ugu wanaagsan  ee Sanadkan ay wasaaradda ku doonayso in ay u qabato imtixaan  midaysan 24 sano kadib iyo  cabashooyin dhowaan  ay  gudiga  u soo  gudbiyeen daladaha waxbarasho ee dalka ka  jira .

Gudoomiyaha  gudiga arimaha bulshada   ee Barlamaanka Soomaaliya  Dr  Cismaan Maxamuud  Dufle ayaa tilmaamay in wasaaradda  waxbarashada  iyo  gudigu ay  isku af-garteen in sanadkan la qaado  imtixaan midaysan isla markaana  wixii  farxamo ah  ay ka wada shaqeyn doonaan.

“Waxaan  iska waraysanay  isla markaana  si weyn u  falaqaynay   Anaga  iyo Wasiiradda waxbarashadda  hirgelinra  qorshaha  wasaaradu ay  ku qaadayso in  la qaado   imtixaan midaysan sanadkan, waxaana isku afgaranay in  muhiim ay tahay in qaado  imtixaanka ”ayuu yiri  Dr Dufle .

Wasiirka waxbarashada  iyo  Tacliinta sare ee xukumadda Soomaaliya  Marwo  Qadar Bashiir Cali  ayaa    sheegtay  ay tahay guul  u soo hooyatay Ummadda Soomaaliya  in  24 sano  kadib  dalka  ay  ardayda  ku nool  gobolada  koofurta  iyo  bartamaha ay wada  galaan  hal imtixaan oo midaysan.

“Maanta waxaa  sharaf ii ah inaan  u sheego  dadweynaha Soomaaliyeed  iyo ardayda    in 24  kadib   xukuumadda Soomaaliya ay  ku guulaysatay  in la qaado imtixaan midaysan , waxana  guul  weyn oo u soo hoyatay dowladda Soomaaliya, waxaan mahad gaar ah  leh daladaha waxbarashada dalka oo kaalin lixaad leh ka qaadatay  hirgelinta  xoogga  leh ee bar-baarinta  ubaddakeena “ayey  tiri Wasiir Qadar.

Wasaaradda Waxbarashada  iyo  Tacliinta sare  ee xukuumada Soomaaliya  ayaa  wada  qorshe  lagu diyaarinaayo in 30  bisha  May sanadkan la qaado imtixaan mideysan , waxayna  noqonaysaa  markii ugu horay 24 sano kadib  dalkeena  laga qaadayo  imtixaan mideysan.

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here