Wasiirka waxbarashada oo sheegtay in muddo 10 cisho ah ku kordhisay waqtigii imtixaanka ardayda dugsiyada sare ee dalka

1300

Wasiirka Waxbarshada iyo Taclinta Sare   ee  xukumada Soomaaliya iyo Wasiiru ku-xigeenka wasaaradaasi oo siwada Warbaahinta  shirjaa’id maanta ugu qabtey maqaalada Muqdisho  ayaa ka warbxiyay sida ay u socota is diiwaangelinta ardayda dugsiyada sare oo ay wado wasaaradda Waxbarashada ee ku aadan ka qeybgalka imtxixaanadka sanad dugsiyeeda 2014 iyo ilaa  2015 oo sanadkaan si midaysan ay u qaadayso Wasaarada.

Wasiire Ku-xigeenka Waxbarshada iyo Taclinta Sare   Xaamud Cali Xasan ayaa sheegay in xiligaan ay wasaaradu  iska diiwaangeliyeen 4500 oo arday oo diyaar  u ah in ay ka qeyb qataan imtixaanka sanadkaan.

“Waxaan maanta aad iyo aad  ugu mahadnaqeyaa  arday Soomaaliyeed maamulayaasha dugsiyada ee baaq aan  u jeedinay ka soo jaawbay oo is xil qaamay fikirdii wasaarada fahamay,maanta waxaan malayna iney is soo diiwaangeliyaan 4500 oo arday ah kuwaas oo uu diyaar u ah iney ka qeyb qaadaan imtixaanada dugsiga”. ayuu yiri wasiir Xaamud.

Wasiirka Waxbarashada iyo Taclinta Sare ee Soomaaliya Khadar Bashir Cali ayaa sheegtay in Wasaaradu ay mudo 10 cisha ah ay ku dartay xiligii la qaadi lahaa imtixaanka maadaama ay wali socoto is  diiwaangelinta ardayada  Soomaaliyeed ee ku nool gobalada dalka waxaana intaas ay ku dartay in  si wanaagsan ay u socota is diiwaangelinta Ardayd.

“Waxaan rabaa in aan idin sheego waqti ay ku   darnay 10 bari ah mudadaasi maxaa yeelay waxaa hadda dirnay dokomintiyada ardayda gobolada” ayay sheegtay wasiir Khadar.

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here