Wasiirka Waxbarashada oo u hambalyeysay Macalimiinta Soomaaliyeed

1411

Wasiirka Waxbarashada iyo tacliinta sare  ee Xukuumadda Soomaaliya  Khadra Bashiir Cali ayaa ugu hambalyeeysay macalimiinta Soomaaliyeed 21 November maalinta macalinka, iyadoo u rajeysay in sanadkan kiisa kale ay ku gaaraan horumar iyo baraare.

Wasiirka oo la hadashay Warbaahinta Qaranka ayaa tilmaamay in maanta oo kale ay Ummadda Soomaaliyeed u tahay maalinta ku weyn, maadaama la xusayo maalinta Macalika Soomaaliyeed.

“Waxaan tahniyad gaar ah u dirayaa macalimiinta Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan, maadaama ay maanta ku beegantahay maalinta macalinka Soomaaliyeed ee 21-November, waxaana u rajeynayaa in sanadkan kiisa kale ku gaaraan horumar, runtii bisha October waxaa jirta maalinta macalinta adduunka, balse anagu waxaan ka doorbidnay in aan maanta oo kale xusno oo ah maalinta macalinka Soomaaliyeed” ayay tiri Wasiir Khadra.

Wasiirka Waxbarashada iyo tacliinta sare  ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in Wasaaradda ay xoogga saareyso sidii macalimiinta ilgaar ah loogu eegi lahaa, maadaama ay yihiin barbaarinta ubadka Soomaaliyeed.

“Waxaan tahniyad gaar ah u dirayaa macalimiinta dugsiyada Qur’aanka kariimka dhiga oo u ataagan in ubadka ay si wanaagsan ku bar baariyaan oo ay ka dhisaan xagga aqlaaqda, waxaan kaloo tahniyad u dirayaa Macalinta iskuulaadka, kuwa Jaamacadaha iyo macalinka koowaad oo ah Hooyoda,  waayo macalinta waa hogaamiyaha bulshada” ayay hadalkeeda ku dartay.

 

Did you like this? Share it:

1 COMMENT

  1. BANI,AADANKUBA BILAWGIISI HOREE WAXOOW BAAHI QABAY BARASHIYO TACLIIN AYOOW UGA BAXEE.

    hambalyo ayaan leenahay macalinka soomaaliyeed hadoow yahay kii na baray kalaamka illaaheey oo ah qur,aanka kariimka ah oo ah furaha liibaanta adduun iyo kan aakhiraba iyo macalimiinta iskoolada iyo tacliinta sare oo ah kuwii waxnasoobaray brisamaadkii iyo kuwa u dhabar adeygay waqtigii colaadu wadanka ka socotay oo iyadoon dowladu ka jirin wadanka iyagu isu xilsaaray ineey ubadkeena ka badbaadiyaan jahliga oo ah cadaw aan ka dhibyareyn kan argagaxisadua iyo colaaduhu leeyihiin iyo macalimiinta maanta oo wali dowladi tabaryartahay oo hadii ow iskoolada dowlada dhigo aaneey awoodin ineey u hagar baxdo hadii ku barayfid ah dhigana wali wadanki dhaqaalihiisi yar yahay oon macalinku marna helin dhaqaale ku filan laakiin ow yahay mid ku sabarsan inta yar ee owqaato isagoo raali ku ah mar hadoow soo saaraayo jiil waxgarad ah oo hanankaro hogaanka wadankooda iyo difaaciisa.
    waa illaaheey mahadiis ayna waajib nagu tahay in aan garano nimcadaas ka dhigtay macalinka soomaaliyeed daljir aan daalin oo iyadoon cidina u sheegin isagu yaqaan muhiimada iyo waajibka saaran,waxaan leeyahay macalinka soomaaliyeed mahadsanid illaaheeyna hakuugu irsaaqo irsaaqad kuugu filan oo barako leh ubadkiinana illaaheey ha,idiinka dhigo baari sidaad ugu dadaasheen ubadka soomaaliyeed.
    waxaan illaaheeyka rajeynayaa in aan gaarno iyadoo macalinka soomaaliyeed qaato mushaarku filan oo u dhigmo dadaalka ow ummaddeena u haayo inshaa allaah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here