Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo Dalka Kuwait gaaray “Sawirro”

0
1451

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Daahir Cismaan, ayaa gaaray Dalka kuwait, halkaasi oo ay  uga qeyb gali doonaan Shir  Waxbarashada looga hadlayo.

Wasiirka ayaa Garoonka Diyaaradaha waxaa  kusoo dhoweeyey Masuuliyiinta Safaaradda Soomaaliyeed ee Dalka Kuwait oo uu Horkacayo Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee Kuwait Danjire C/qaadir Amiin Sheekh iyo Masuuliyiin kale.

Mudane C/raxmaan Daahir Cismaan, Wasiirka Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Soomaaliya iyo Wafdiga uu Hoggaaminayo ee ku sugan Kuwait ayaa la filayaa inta ay joogaan halkaasi Inay kulamo la qaataan Madaxda Dowladaasi.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here