Wasiirka Waxbarashada XFS oo sheegay in maanta la baajiyay Imtixaanka shahaadiga ee Dalka.

1105

Wasiirka Waxbarashada Gudaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxman dahir cusman ayaa sheegay in maanta la baajiyay Imtixaankii shahaadiga ee dugsiyada Sare.

Mudane. Cabdiraxman Dahir Cusman oo lahadlay Wakaaladda SONNA ayaa baajinta Imtixaanka shahaadiga  ku sababeeyay Roobabka Mahigaanka ah ee ka da’aya Caasimadaa iyo qaar kamid ah Gobolada Dalka.

Ra”iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa shalay si rasmi ah u daah furay Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee dalka, kaasoo ay u fariisteen sanadkan 27,600 oo arday.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here