Wasiirka Waxbarashadda oo daahfuray Imtixaanka Shahaadiga ah ee Beledweyne

904

 Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda dowladda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan ayaa maanta Magaalada Baledweyne ee Caasimadda gobolka Hiiraan ka furay imtxiaanka Shahaadiga ah ee dugsiyadda Sare.

Ardayda maanta uu Wasiirku u furay Imtixaanka ayaa tiradooda waxa ay gaareysay 1400 oo arday ,kuwaasoo horay ugu baaqday imtixaankii dowladda dhexe ay qaaday.

Wasiirka ayaa ardayda kula dardaarmay in ay dadaal badan ay Muujiyaan,islamarkaana ay ilaaliyaan Nidaamka Imtixaanka.

Waxaa uu tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay nasiib u yeelatay in markii ugu horreysay dalka Gudihiisa Imtixaanka lagu diyaariyo, sidoo kalena ay diyaariyaan dadka Soomaaliyeed.

Ardayda kunool Magaalada Baledweyne ayaa ka haray Imtixaanka Shihaadiga ahaa ee dugsiyadda Sare ee ay qaaday dowladda Soomaaliya Bishii May ka dib markii Fatahaado badan ay ku dhufteen Magaaladaasi.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here