Wasiirka Waxbarashadda XFS oo Paris uga qeyb galay Shirweyne labadii sano mar ka dhaca Xarunta UNESCO.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada, Hiddaha iyo tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdullahi Goodax Barre ayaa Magaalada Paris ee dalka Faransiiska waxa ugu qeyb-galay shirweyne labadii sano mar ka dhaca xarunta Ururka UNESCO.

Wasiirka waxbarashada mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa shirka ka jeedin  doona khudbad ka turjumaysa  kabashada tacliinta Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in shirkani ahmiyad gaar ah u leeyahay bahda waxbarashada dalka.

“Magaalada Paris ee dalka Faransiiska waxaa nooga bilowday  maanta shirweyne labadii sano mar ka dhaca xarunta Ururka UNESCO,
Shirkan waxaa ka qeyb galaya 193 dal oo xubin  ka  ah ururka, Aniga iyo wafdiga aan hogaaminayo waxaa sharaf noo ah in ka qayb galkeenu xubin muhiim u tahay Ururka” ayuu yiri Wasiir Goodax.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda, Hiddaha iyo Tacliinta sare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shirkaasi la jeedin doona Khudbad la turjumeysa Kabashada Tacliinta Dalkeenna iyo Horumarka Dawladda ay ka sameysay dhanka Waxbarashadda.

“Intuu shirku socdo waxaan ka jeedin doonaa khudbad ka turjumaysa  kabsashada tacliinta Soomaaliya, Sidoo kale waxaan heshiisyo iyo kulamo layeelan doonaa dalalka ka soo qayb galaya shireman” ayuu yiri Wasiirka Waxbarashadda XFS.

  

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here