Wasiirka Waxbrashada oo dhagax dhigay dhismaha Dugsiga sare ee degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool

Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka Waxbrashada iyo Tacliinta sare ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre oo gaaray degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool ayaa dhagax dhigay dhismaha Dugsiga sare ee degmada si loo xoojiyo waxbarshada dadka ku nool degmadani iyo deegaanada hoostaga

Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya waxaa Wafdiigiisa qeyb ka ahaa Xildhibaan Cabdulwahaab Ugaas Khaliif oo ka tirsan mudanayaasha golaha shacabka ee Barlamaanka federaalka Soomaaliya.

Maamulka iyo dadka Degmada ayaa aad u bogaadiyay dhagax dhiga dhismaha iskuulkani oo muhiim u ah horumarka bulshada maadaama ardayda ka soo baxda iskuulada hoose iyo dhexe ee degmada Ceelbarde aanay qabin dugs sare waxaana uu iskuulkani ka haqabtirayaa ardayda in ay degmadooda ku dhameystaan waxbarashada aas aasiga ah/

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here