Wasiirka Xanaanada xoolaha oo sheegay in heshiis dhanka suuq geynta xoolaha uu la galay Masar

1
1685

Wasiirka  Xanaannada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saciid Xuseen Ciid oo waraysi gaar ah siiyay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Wasaradda ay ku guuleysatay furitaanka  Suuq loo iibgaynayo xoolaha dalkeena laga dhoofiyo oo ku yaala dalka Masar, kana mid ahaa suuqyadii xilligi hore loo iibgayn jiray xoolaha Masarna ay ka mid tahay Waddamada aad u doonaya.

“Masar waxa ay ka mid aheed wadamada tariikhiyan xoolaha Soomaaliya loo dhoofin jiray  ee heshiiska fiican aan lalahan jirnay  muddo dheer suuqaas wuu xirna  waxa uu u xirnaa waxa ay ahed baankii lasaray xoolaha Soomaalida, aakhirkii sagashamadkii waddamo badan sameyay  waa lasoo celshay kuwo kalena lamasoo celin weli meshooday tagnaayen, waxa ay Wasaradda Xanaanada, Xoolaha ka shaqaysay in dib loo furo suuqyo badan oo afrikaan ah iyo kuwa eeshiya ah Masar waddamadaas ayay ka mid ahayd, waana ku guulesanay in lasoofuro waxa lasoo gaarnay hishiis dhanka kontaroolka caafimaadka in loo dhoofiyo xoolaha nool iyo kuwa qalan intaba” ayuu yiri Wasiirka.

Sido kale wasiirka ayaa sheegay in dhawaan ay dalka imaan dooanan  quburo ka socota dalka Masar, madama dalkaasi uu ka furanyahay suuq wayn oo lagu iibiyo xoolaha waddamo badan ay ka iibsadaan xoolaha nool iyo kuwa qalan intaba.

Dhanka kale Wasiirka ayaa shegay in dhawaan ay daah furi doonan barnaamijka joojinta xaalufinta dhirta laguna guuleestay in laxiro suuqyadii loo iibgayn jiray dhuxusha oo ay ka mid tahay dawladda Sucuudiga oo xirtay suqyadii ku yiilay dalkeeda ayna ku mahadsantahay tallaabada ay qaaday.

“Labada bari ee soo socota waxaan daah furidoona mashruuca ka hortaga dhuxusha iyo sidii lagu sameyn laha badiil ama waxyaabo ay ku badshaan dadka dhuxusha ka shaqeeya mashuurc wayn oo Soomaaliyo dhan garsiisan, waxa kale oo muhiimad gaar ah in suuqyadii ugu waaweynaa ee dhuxusha la xiray kuwa dhimana la xiri doono oo sacuudigu ka mid yahay hadhowna  ay baahida gudaha waxbadala loo smaeyn lahaa”.

Did you like this? Share it:

1 COMMENT

  1. waa dowlada ugu xun masar dowladii kacaanka oo qabiilka daroodisimka ahaa waxay rabtay in ay soo dejiso soomaaliya 1000,000 oo masaari ah ayagoo ku sheekeeyey in ay carab yihiin daarood waxay rabeen in ay dhalaan rogaan wadanka . soomaaliyeey wadankiina u diida carab , daarood waxay aaminsanaayeen 25sano ka hor in ay carab yihiin , laakiin maanta way beenowday oo daarood wuxuu ogaaday in uu soomaali yahay , laakiin isaqland kuwa lagu magacaabo waxay aaminsanyihiin in ay yihiin jabarti oo adoon ka ah yaman . raadiyo mogadisho barnaamishkaan waa in aad raadiyaha ka sii deysid waan kaa codsaneynaa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here