Wasiiro ka qeybgalay xaflad lagu sagootinaayay madaxii hore ee Bisha Cas ee Turkiga”SAWIRRO”

0
2158

Kulankan sagootinta ah, isla markaana lagu soo dhaweynayay Madaxa hay’adda bisha cas ee dalka Turkiga waxaa ka qeybgalay Wasiiru-dowlaha arrimaha gudaha iyo federaalka Mudane Cabdirashiid Maxamed Xidig, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda Mudane Axmed Cali Maxamed Kadiye, Hormuudka Jaamacadda SIU iyo xubno kale.

Prof Yaxye Cali Ibraahim Hormuudka Jaamacadda SIU oo ugu horeyn kulanka hadal ka jeediyay ayaa xusay in hay’adda bisha cas ee Turkiga ay wax badan u qabteen bulshada Soomaaliyeed, isla markaana uu soo dhaweynayo Madaxa cusub ee hay’addaasi loo magacaabay.

Madaxii hore ee hay’adda bisha cas ee Turkiga Mr Ali Akgul ayaa xusay in dalka ka ay howl bilaabeen sanadkii 2011-ka, isla markaana uu aad ugu faraxsanyahay kulanka sagootinta ah ee loo sameeyay.

Madaxa cusub ee hay’adda bisha cas Halil Aksut ayaa xusay inay sii wadayaan adeegyada ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed, ayna xoojinayaan wada shaqeynta kala dhexeysa madaxda dowladda.

Wasiiru-dowlaha Arrimaha gudaha iyo Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdirashiid Maxamed Xidig ayaa tilmaamay in hay’adda bisha ee dalka Turkiga ay dalka ka howlgaleen xilli ay bulshada baahi badan u qabtay, isla markaana uu soo dhaweynayo isagoo ku hadlay magaca Xukuumadda, madaxa cusub ee hay’adda bisha.

Wasiirku waxa uu xusay in dhankooda ay diyaar u yihiin la shaqeynta hay’adda bisha cas ee Turkiga, isagoo kula dar daarmay inay dar dargeliyaan howlaha ay bulshada u hayaan.

Gabo gabadii ayaa kulanka waxaa hadiyado la guddoonsiiyay madaxii hore ee hay’adda bisha iyo kan cusub.

??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ???????????????????????????????

Sawir Qaade: Maxamed C/laahi Fereysane

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here