Wasiiro ka tirsan Maamulka K/galbeed Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyay Degmada Qansax-dheere.

Xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda maamulka Koofur-galbeed  Soomaaliya ayaa maanta gaaray degmadda Qansax-dheere ee Gobolka Baay.

Wefdiga wasiirada ah ee maamulka K/galbeed ayaa waxaa magaaladaasi ku soo dhaweeyay maamulka Degmada iyo qeybaha bulshada halkaasi ku nool.

Wasiirada gaaray maanta magaaladda Qansax-dheere ayaa waxaa ka mid ah wasiiradda Caafimaadka, Waxbarashada iyo wasiirka wasaarada Tamarta iyo Biyaha maamulkaasi.

Iimaan Cali Cabdi Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Koofur galbeed ayaa Radio Muqdisho uga waramay Ujeedka wefdigaanu halkaasi u tageen.

Hoos ka Dhageyso wareysiga wasiirka Tamarta iyo Biyaha Maamulka Koofur-galbeed Soomaaliya IIMAAN CALI CABDI.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here