Wasiiro kormeerey xero la dejiyay dadka Yeman ka soo qaxay oo Muqdisho ku taala

1
1147

Wasiiradan maanta kormeerka ugu tagay dadka ka soo qaxay dagaalada ka dhacaya dalka Yemen ee isagu jira Soomaalida iyo Yemen oo ku jira xero ku taala degmada Shibis ee gobolka Banaadir ayaa waxaa ka  mid ahaa wasiirka haweenka iyo horumarinta xaquuqul insaanka,wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha,wasiir ku xigeenka wasaarada caafimaadka Soomaaliya iyo wasiir ku xigeenka wasaarada beeraha waxaana ay wasiiradu u kuurgalayeen xaalada dadkaasi ku noolyihiin.

Wasiirada ayaa waxaa ay ku soo wareegeeen qololka dhismaha ay degan yihiin dadkan ayagoona la kulmay dadkaasi oo isugu jira haween iyo caruur waxaana dadkan  ka muuqatay xaalad adag oo dhanka nolosha ah, dadka ayaa codsaday in lala soo gaaro gargaar oo ay ugu horeyso helitaan cuno,caafimaad iyo dhismaha ay degan yihiin ay ka cabsi qabaan in uu ku soo dumo maadaama uu yahay dhisme waqti dheer jirey.

Wasiir ku xigeenka wasaarada caafimaadka Soomaaliya mudane Cusmaan Maxamed Cabdi {Cismaan-daallo} ayaa ka hadlay kormeerka wasiirada iyo waxa uu la xiriiray.

“Insha’alaah waxaan u nimid inaan wax ka qabano intii karaankeena ah dowladda intey qaban karto in aan qabato qaybta caafimaadka wax badan ayaan ka qabanay qaybtii noloshoodana wax badan ayaan ka qabaneynaa, hadana waxaan wax ka qabaneynaa qaybtii musqulaha hadii alle yiraahdo” ayuu yiri Cismaan Daallo.

Wasiir ku xigeenka wasaarada Beeraha mudane Cabdicasiis Saalax Carmaan oo isna ka hadlay goobta wasiiradu booqdeen ayaa waxaa uu sheegay in xeradaan loo baahanyahay in aysan noqon goob dadku iska dagaan marka laga reebo dadka Yemeniyiinta ah.

“Waxaan rabnaa jaaliyadaan in aysan noqon mashruuc iska socda ama meel qaxootiga lagu quudiyo ay iska joogaan maya ma rabno waxaan rabnaa qofkii markii uu yimaado sadax bari afar bari uu sii joogo uu goboladii uu ka yimid uu u sii noqdo laakiin ma rabno wax sii soconaayo ama qofka maskaxdiisa galeyso mar walba wax sug wax halaguu keeno meesha wax ka sug maya dhalinyarada dadka kale oo waa weyn waxaan ka codsaneynaa haweenka iyo caruurta aan aheyn in Soomaaliya sidii Yemen oo kale ma ahan Soomaaliya shaqo iyo wax walba waa ka heli karaan in ay subixii kacaan oo ay dadaalaan”.ayuu yiri Mr Carmaan.

Wasiirka wasaarada Haween iyo Horumarinta Xaquuqul Insaanka marwo Sahro Maxamed Cali Samatar ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu baaqday in wada jir ay uga qayb qaataan gurmad loo sameeyo dadka masaakiinta ah ee soo qaxaya isla markaana dowladda ay doorkeeda qaadaneyso.

“Dhibka waa weyn yahay guryaha waa jajabanyihiin dhismihii yaaba laga yaaabaa in ay soo daataan hadeeer marka dadaal badanaan sameyneynaa waxyaabaha ugu horeeya oo ay ka mid yihiin  musqulihii oo aanba jirin in la sameeyo  iyo jikooyinkii meelihii cuntada lagu karin lahaa marka dadaalku waa weyn yahay baahidu waa balaarantahay in la isugu tago waaye Soomaalida dibada joogta kuwa wadanka jooga gidigeen in aan isugu tagno waaye  in sha alaahu tacaalaa”. waxaa sidaa sheegay wasiirja Haweenka.

 

Did you like this? Share it:

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here