Puntland: Wasiiro loo dhaariyay xilalkii loo magacaabay shalay

0
869

Waxaa maanta si rasmi ah loo dhaariyey 4-wasiir oo kamid ah Wasiirada cusub iyo kuwa uu isku shaan dheynta ku sameeyey shalay madaxweynaha  Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Xafladd kooban oo loo qabtay dhaarinta wasiiradaan ayaa waxaa ay ka dhacday xafiiska Madaxweyne  Gaas ee Garoowe. iyadoo ay goob joog ahaayeen xubanaha sare ee maamulkaas .

Afarta wasiir ee maanta loo dhaariyey gudashada waajibadka shaqo ee saaran waxaa ay kala ahaayeen Wasiirka amniga  Cabdi Xirsi Cali Qarjab, Wasiirka maaliyadda Puntland Cabdullaahi Shiikh Axmed , Wasiirka Xanaanada xoolaha Puntland Cabdi-jamaal Cismaan Maxamed iyo Wasiirka Beeraha iyo waraabka Puntland Cabdullaahi Cali Xirsi.

Dhaarta kadib ayaa Madaxweynuhu waxaa uu hambalyo udiray dhammaan wasiirada cusub , isagoona alle uga baryey in howsha hortaala uu u fududeeyo noqdaana kuwo ku guulaysta shaqada loo idmaay.

‘’ Waxaan idinkula dardaarmayaa inaad sida aad ugu dhaarateen dalkiina iyo dadkiina ugu shaqeysaan , daacad u ahaataan , wixii masuuliyadiina wax u dhimaya idinkana leexinaya ujeedooyinka , himilooyinka iyo waxa laydinka filayana wax u dhimaya oo idinka weecinayana ka leexataan ‘’ Ayuu yiri Madaxweynuhu .

‘’ 24-ka saac inaad shaqeysaan baa laydinka rabaa , masuuliyad baa idin saaran intaas oo umadana waa idin sugaysaa , waa howl aad iyo aad u dhib badan waana muhiim in xilkiina aad gudataan ‘’ Ayuu hadalkiisa raaciyey Madaxweyne Gaas.

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here