Wasiirro ka tirsan Xukuumadda oo U Ambabaxay Dalka iskutagga Imaaraadka carabta

Wafdiga oo isugu jiray wasiirro ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo wasiir ku xigeenno, waxaa hoggaminayay wasiirka Arrimaha dibadda iyo Dhiiri gelinta Maalgashiga xukuumadda Soomaaliya iyagoo ku Sii jeeda dalka isku tagga Imaaraadka Carabta halkaas oo ay uga qeyb geli doonaan shir looga hadlayo maalgashiga Soomaaliya oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda Arrimaha dibadda ee dalka Imaaraadka Carabta.

Xubnaha wafdigaan oo ay ka mid yihiin Wasiirka howlaha Guud iyo dib u dhiska iyo sidoo kale wasiirro kale ayaa rajo wanagsan ka muujiyay shirkan oo barri ka furmaya dalka isku tagga Imaaraadka Carabta islamarkaana socon doona mudo labo maalin ah.

Wasiirka Arrimaha dibadda iyo dhiiri gelinta Maalgashiga Soomaaliya mudane Cabdisalaan hadliye Cumar oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa  sheegay in shirkaas uu yahay  mid looga wada hadli doono maalgalinta Soomaaliy

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here