Wasiiru Dowladaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo ka qeybgalay munaasabada lagu xusayay maalinta dhallinyarada 15-ka may

0
687

 

Iyadoo Maanta ku beegan tahay Maalinta Dhalinyadda Soomaaliyeed ee SYL ayaa Muqdisho waxaa lagu qabtay Munaasabad lagu dhiiro galinayo Dhalinyradda Soomaaliyeed.

Waxaa soo qaban qaabiyey Urur Dhlainyaro ah kuwaas oo ka shaqeeya Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, waxaa kala qeyb Wasiiro Dowlaha Xafiiska Reysul Wasaaraha Soomaaliya.

Maxamed Warsame shandhool Gudoomiyaha Ururka Dhalinyarada ayaa sheegay in dhalinyaradii Soomaaliyeed ee SYL ay ka tageen waxyaabo badan oo muhiim ah kuwaas oo looga baahan yahay dhalinyaradda hadda joogta inay ka faa’iideystaan.

Waxaan aad u boorinayaa dhalinyaradda Soomaaliyeed inay qaataan doorkii ay qaateen dhalinyaradii SYL kaas oo aan arrimo badan ka baraanay runtii waxaa ay qabteen ama noo keeneen Xoriyada ay hadda ku naaloonayaan Shacabka Soomaaliyeed”

Wasiiro Dowlaha Xafiiska Reysul Wasaaraha Soomaaliya C.laahi Xaamud ayaa dhankiisa tilmaamay  in Dowladda hadda jirta ay tahay Dowladii dhalinyarada loona baahan yahay in dhalinyaradu qeyb muhiim ah ka qaataan Hormarinta Dowladnimada Soomaaliya.

“Dowladu waa dowladii dhalinyarada, dhalinyaradii Soomaaliyeed waxaana rabnaa in aanmarkasta xasuusano dhalinyaradii SYL, waxaan balan qaadeynaa in doorta dhalinyaradda Soomaaliyeed ka dhexmuuqdo Dowladda Soomaaliya taasna waxaa ay kamid tahay Qorshayaasheena ugu horeeyo.

Ururkaii Dhalinyaradda ee SYL oo ka koobnaa 13 Dhalinyaro ah ayaa waxaa la-aasaasay 1943 waxaana laga joogaa 75 Sano walina waxaa dadka Soomaaliyeed ku weyn Xornimada Soomaaliya iyo qaabkaa ay u mareen.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here