Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay Safirka Koonfur Kuuriya

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyre Cabdi, ayaa warqadaha aqoonsiga danjiranimo uga guddoomay maanta xafiiskiisa Wasaaradda Mudane Choi Yeonghan, Safiirka Jamhuuriyadda Koonfurta Kuuriya ee  fadhin doono Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

 

Intii qaabilaadda lagu guda-jiray, Wasiiru dowle Cabdulqaadir iyo Danjire Choi waxa ay ka wada hadleen xiriirka laba geesoodka ee labada dal ee saaxiibada ah u dhexeeya iyo qaabkii lagu xoojin lahaa, laguna horumarin lahaa iskaashi dhinacyo badan leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here